Muqdisho,(SONNNa):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay Munaasabadda 10-aad oo lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taas oo lagu qabtay Beerta nabadda ee Beijing, 21-kii Sebtembar, 2023.
Munaasabadda oo ahayd mud muhiim ah ayaa waxaa isugu yimid dublamaasiyiin, marti sharaf iyo dadweyne kala duwan, waxaana munaasabadda khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane.
Danjire Kullane, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo nabadda iyo wada noolaanshaha, isagoo ku ammaanay qabanqaabiyayaasha sida ay ugu heelan yihiin horumarinta nabadda.
Wuxuu iftiimiyay qiimaha ay nabaddu leedahay, wuxuuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo gaari lahaa nabad iyo wada noolaansho caalami ah. Mawduuca la doortay ee dabbaaldegga, “Nabadda & Wada-xaajoodka ku salaysan qiyamka la wadaago,” ayaa ahayd mid udub-dhexaad u ah khudbadiisa, isagoo ku caddeeyay baahida loo qabo is-fahan iyo fikrado wadaag ah oo ka dhexeeya ummaddaha caalamka.
Safiirka ayaa khudbadiisa ku soo gebagebeeyey rajo wanaagsan oo uu ku cabiray aragtida caalamka oo ah in wadajir iyo iskaashi looga gudbo kala fogaanshiyaha, la joogteeyo istixgelinta iyo in wax walba laga horumaro nabadda iyo degannaasha, wuxuu u mahadceliyay qabanqaabiyaashii xafladda iyo ka soo qeyb-galayaasha intaba, isagoo ku boorriyay qof walba inuu si hagar laโaan ah uga shaqeeyo sidii loo heli lahaa adduun nabdoon oo barwaaqo ah.
Ugu dambeyntii, Danjire Kullane, oo qeybgalkiisa munaasabaddan muhiim u ahayd ayaa xaqiiijiyay sida ay Soomaaliya uga goโan tahay nabadda iyo iskaashiga caalamka.