Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika
GudahaWararka

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika

By Dahir Aadan Cali
Last updated: September 20, 2023
2 Min Read
Share

Yanglin,(SONNA):- Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo loogu magacdaray iskaashiga Beeraha Shiinaha iyo Geeska Afrika, kaas oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socda safiirrada Geeska Afrika oo uu hoggaaminayay Danjiraha Sooomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa lagu qabtay magaalada Yanglin ee gobolka Shaanxi ee dalka Shiinaha.

Aqoon-isweydaarsigan muhiimka ah ee ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa waxay ujeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca Beeraha iyo kobcinta wax-soo-saar guuleysta oo dhexmara labada gobol.

Danjire, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan dalalka Geeska Afrika ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, isagoo xoogga saaray sida ay Shiinaha uga go’an tahay xoojinta xiriirka dalalka Geeska Afrika, iyadoo loo marayo iskaashiga dhinaca beeraha.

Danjire Cawaale Kullane, oo hoggaaminayay wafdiga safiirrada Geeska Afrika ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinaca beeraha ee Geeska Afrika iyo Shiinaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo kordhinta is-weydaarsiga u dhexeeya ergada dalalka Geeska Afrika ee Shiinaha iyo wakiillo ka socda Xarunta Wadajirka ah ee Shiinaha iyo Afrika ee Isweydaarsiga Tignoolajiyada Casriga ah, Bandhigga iyo Tababarrada.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee khubarada iskaashiga beeraha ee dalalka Afrika.

Ugu dambeyn, madasha ayaa waxaa ka hadlay oo soo xiray aqoon-kororsigan, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,Mr.Xue Bing ayaa ku celiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay taageerto horumarinta Geeraha gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiirri-geliyay wada-shaqeyn joogta ah oo dhexmarta dhammaan ka qaybgalayaasha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo (Warbixin)

Warbaahinta,waa muraayad laga  daawado  taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dal kasta uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknalojiyadda iyo guud ahaan waxqabadka…

MaqaalladaWararka
April 5, 2021

Khawaariijta oo dab qabadsiiyey deegaan ku yaalla koonfurta gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa tacadiyo aad u fool xun u geystay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay ku xad gudbeen xurmada naf,…

MaqaalladaWararka
March 18, 2023

Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Baraawe

Muqdisho-(SONNA)-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta gaaray Degmada Baraawe ee Caasimadda…

Wararka
March 9, 2020

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di martino ee Magaalada Muqdisho ku…

GudahaWararka
April 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023