Wali waxaa socda dardargalinta dagaal ee lagula jiro kooxda Khawaarijta ah, islamarkaana ay socda howasha toosinta habaca gala habsami u socodka gulufka lagu ciribtirayo Maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu magaacaabistan ku saleeyay sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, Shacab iyo Ciidanba ay maanta hortaallo mas’uuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta, iyadoo uu Xeerkan Madaxweyne uu ku dhaqan-galay shalay oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maxay tahay Xogta magacaabista labada taliye?: Magaalada Dhuusamareeb waxaa beryahaanba shirar gaar ah uu la qaatay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Taliyaha xoogga dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxudiin, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka iyo saxidda qalalaadka jiray ee ciidanka xoogga dalka.
Madaxweyanaha ayaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xoogga kala hadlay xoojinta dagaalka iyo kala saarista shaqooyinka cid walba ay leedahay, wuxuuna siiyay hoga-tusaaleyn cid walba shaqda ay gooni u leedahay, wuxuuna ka dhageystay talooyinka la xariira wax ka bedelka taliska Ciidamada gaar ahaan ciidanka lugta.
Taliye Dayax ayaa ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka , waxa uuna ahaa taliyaha ciidamada GorGor, isagoo ka horna ahaa abaanduule ka tirsanaa ciidanka koofiya casta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.
“Dowladeena Soomaaliyeed in aan garab istagaano, Ciidamadeen in aan garab isgaagno, dadka deegaanka oo soo jeestay oo wacyigooda sidii hore uu ka duwan yahay in la garab istaago waaye,” sida uu yiri guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaair Mudane Yabooh. Deeqdaan uu shalay gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ciidama dowladda ee xilligaan dagaalka kula jira Khawaarijta waxa ay aheyd mid uu maamulka horay u balan qaaday, iyada oo Guddoomiyaha Gobolka uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin garab istaaga Ciidamada.
“Guddoomiyaha gobalka Banaaddir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Sh. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Maddaale” wuxuu joogaa furinta dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, ma ahan nin dagaal, balse waa nin abaabul, sidaasi darteed, waxaan qabaa ha laga faa’iideysto fursaddaasi. Wuxuu hormuud u yahay mudanayaal badan oo furimaha hore ee dagaalka ku sii jeeda. Waxaan hubaa haddii Guddoomiye Maddaale uu dego deegaannada Degmada Ruunnirgood mid ka mid ah sida: Nuurdugle, Caddaan-laxeey ama degmada lafteeda in la heli doono kumannaan macaawisleey ah oo naftooda u hura deegaanka, kuwaasi oo intooda badan weli la’ cid ay aaminaan”, sidaasi waxaa SONNA u sheegay mid ka mid dadka dadka deegaanka Ruunnirgood. “Madaxweynihii adiga ku soo magacaabay, islamarkaana mas’uuliyadda Ummadeed kugu aaminay ayaa hortaada furin uga jira, sidaa darteed iima muuqato fursad aad ku dayacdo midda maanta aad heysato deegaankaaguna kaa naawilayo. Nin walboow naftaa, Nabiyoow Ummaddaa ayaa xaalku marayaa e”, ayuu sii raaciyay.
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in la go’doomiyay koox ka tirsan maleeshiyada Khawarijta ah ee Shabaabka ee ku sugan deegaanno hoos taga Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib dagaal halkaasi ka dhacay, waxayna Wararka hordhaca ah ay sheegayaan in koox maleeshiyadaasi ay ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabeelle, si ay weeraro uga gaystaan waddooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsi, iyadoo Diyaaradaha Dagaalka Drones-ka ay ka qeyb qaateen Weerarka.
Ciidamada ayaa shalay dagaal culus la galay Shabaabka, oo ka dhex dagaalamaya dhulka howdka ee ku teedsan Webiga, iyadoo ay dhimasho badan iyo khasaare dhaawacyo u badan ka dhacey deegaanka, waxayna ku hareersan yihiin ama go’doonsan yihiin godod halkaasi ka qoteen, waxaana u furan tahay hal waddo oo keliya, waana waddada ay Webiga uga tallaabi karaan daanta galbeed ee gobolkaasi, taasina suurtogal uma aha taasina.
Deegaannada ay Khawaariijta muddo ka badan 24 saac ku go.doonsan yihiin ayaa kala ah Ciid ciidka iyo Xuseen barbaar ee Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana lagu sheegay inay meeshaasi tahay dhul howd ah oo ay Maleeshiyaadka Shabaabku gabaad ka dhigan karaan, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah, in laga saarana ay muhiim u tahay xasilloonida labada gobol ee Hiiraan iyo Sahabeelada Dhexe ee Maamul-goboleedka Hirshabelle, waxaana la soo warinayaa in haatan la Qorshaha in Ciidamada ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka howdka iyo midda kale ee tagta Webiga.