Muqdisho-(SONNA)-Ciimadda ammaanka magaaladda Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo gaar ahaan howlgaladda xasillinta caasimadda ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari qaraxa ah oo ay khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso kaas oo nuuciisu yahay Leylo calaawi (Landcruiser), laguna soo raray waxyaabaha Qarxa.
Ciidamadda dowladda oo si weyn uga feejigan dhagaraha ay magaleeyaan khawaarijta sidoo kalena kaashanaya maamulka deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay fashiliyaan gaarigaan laga soo buuxiyay baaruuda loo yaqano TNT ee qaraxyada loo isticmaalo iyo eedeysanihi wadagay, waxaa ku socota baaris lagu horgeynan doono caddaalada sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali Doodishe.
Gaariga ayaa waxaa saarna illaa toban jirgaan oo labaatanlayaal ah oo ay ku jiraan baaruuda loo isticmaalo qaraxyada ee loo yaqaano โTNTโ, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaariga, โlabo taargo oo ah kuwa ay isticmaalan dowladda goboleedyada dalka ayaa gaariga lagu soo xiray si ay dhagar-qabayaashu ay uga dhuuntaan ciidamaddaโ ayuu yiri Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali Doodishe afhayeenka booliiska Soomaaliya.