Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 16, 2023
6 Min Read
Share

Alshabaab ayaa dadka u ballaminaya hadal-jeedinta mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ugu arxanka daran, waa Mahad Karatee. Waxay na leeyihiin wuxuu ka hadli doonaa xaaladda Ciidan iyo Siyaasadeed ee dalka ka taagan. Si fiican ugu fiirso erayada “Siyaasad iyo Dalka” oo is weydii goorma ayay Alshabaab dal u aqoonsadeen Soomaaliya?,  sow kuwii lahaa waa gobol hoos taga Alqaacidda oo cid kasta u furan?, goorma ayayse qaamuuskooda ku soo dareen arrimaha siyaasadda?,  Siyaasadda marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa” Sameynta wixii suurto gal ah”,  iyaga waxaa siyaasad u ah wax kasta oo aan suurtogal aheyn.

Sidoo kale u fiirso ninka hadlaya  waa Mahad Karatee, mid ka mid ah qandaraasleyaasha sida weyn uga macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed”,  Markii ugu dambeysay ee uu hadlo waxa uu qiil u sameeyay xasuuqii 29 October ee sanadkii hore ka dhacay Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo shacab ah!, Ma xusuusataa hadalkiisii?, wuxuu yiri ” Dowladda ayaa mas’uul ka ah shacabkii dhammaaday waayo, waxay rasaas ku furtay, gaarigii qaraxa siday ee aan ku dhufannay Wasaaradda Waxbarashada”

Sababta Mahad Karatee u hadlaayo waa maxay? Mahad Karatee ma aha, hoggaamiyaha dhabta ah ee khawaarijta ee aaway Axmed Diiriye? Jawaabta oo kooban, Shabaabku waxay ciyaarayaan kaarka qabiilka, sidaas darteed intii gulufkan lagu wiiqayo socday waxay isticmaalayeen kuwo fallooci ah oo ka soo jeeda beelaha deegaannada lagula dirirayo. Markii uu gubtay kaarkii  Yuusuf Sh. Ciise Kabo ku-tukade, hadda waa Karatee. Waa isku day quusi ka muuqato, bal haddii hab beeleed lagu beer laxawsan karo dadka deegaanka ee u kacay xididdo siibka khawaarijta Shabaab.

Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka socda dagaal jiritaan oo ay tahay in uu dhan u dhaco, dhanka uu u dhacayana waa muuqdaa!, Shabaab waxaa u furan labo waddo middood:-  In ay is dhiibaan iyo in ay ku dhammaadaan gacanta dowladda iyo shacabka is garabsanaya.

Maxaa laga filan karaa Mahad Karatee?  Marka uu khudbeynayo waxaad ka maqli doontaa Aayado Qur’aan iyo Axaadiith,  isagoo is bihin bihinaya, waxaa kaloo hadalkiisa ku jiri doona qiyaasteyda dhacdooyin kooxdu u arkaan guulo ay gaareen sida dagaalkii Cowsweyne, qaraxyo iyo weerarro kale, oo uu isku dayayo in uu kor ugu qaado mooralka maleeshiyaadka ciirsiga la’ ee kooxda.

Haddii la soo koobo hadalka Mahad Karatee waxa uu xambaarsan yahay catow iyo in uu guuldarrada kooxda u yeelo dhadhan guuleed,  Laakiin Shacabka Soomaliyeed iyo dowladdoodu waxay gaareen go’aankooda ah “Guul ama Geeri”

Mahad Karatee sidiiba la filayay ayuuba u calaacalay. Cadow ayaa na soo weeraray!,  Shareecadaa lala dagaalayaa!,  Guul ayaan gaarnay!,  Askarta Alle ayaan nahay, Balaa Balaa Balaa!, wuxuuna magac dhabay beelo uu is xijinayo oo uu yiri waxay noo yihiin garab. Waa siyaasadda qeybi oo xukun ee Argagixisadu muddo ku soo caano maashay, balse hadda u shaqeyn la’, wuxuuna guulo been ah ka sheegtay dagaallo ka dhacay meelo kala duwan sida Cowsweyne, Owdheegle, Daarunimca, Alkowthar, Ruun-Nirgood iyo goobo kale oo badankood lagu jabiyay, lagana eryay Alshabaab.

Mahad Karatee wuxuu ciyaaray kaalintii wariyeyaasha kooxda oo wuxuu soo gudbiye ka ahaa filin qoran oo ay la socdaan codad (Sound Bites) dad dhintay iyo kuwo nool oo si khaldan looga faa’iideysanayo fasirkooda, waxaase ugu xiiso badan calaacalka Mahad Karatee in uu Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad ka codsaday in ay garab siiyaan Alshabaab,  wuxuu soo xusuustay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Aqoon yahan, Culimo, Haween, Qurbejoog iwm, waxaase ugu sii yaab badan markii uu yiri:-  Wax dhiig leh idikuma jiraan miyaa?.

Hadda Ogow Shacabka uu gargaarka ka dalbanayaa waa kuwii uu tarab-tarabta ugu laayay qaraxyada ee uu digashada ugu daray!  Isgoyska Zoobe October 14,2017-kii iyo October 29, 2022kii, Zope 1, waxay Khawaarijta  Alshabaab ku xasuuqeen ku dhawaad kun qof, kan labaadna in ka badan 100 ruux oo rayid ah.

Mahad Qaleey (Karatee) markii uu hadlaayay kama muuqato in uu furin dagaal joogo.,  waxa uu ka soo hadlayaa qol si fiican loo naqshadeeyay oo qaboojiye ku xiran yahay, laguna xardhay astaamaha khawaarijta. Waxa uu joogaa goob aan dagaal ka jirin hadda, waxay noqon karta jilib ama goobaha kale ee kooxdu ku dambeyso. Mahad Karatee, waxaa codkiisa ka muuqata cabsi iyo walwal uu ka qabo masiirkiisa iyo kan kooxdiisa gabaabsiga ah. Horjoogeyaasha Argagixisadu taariikh ahaan ma tagaan, kumana dhintaan fagaareyaasha dagaalka.

Tusaale ahaan;  Hoggaamihii Alqaacidda Usaama Bin Laadin waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Pakistan, Ninkii baddelay ee Ayman Aldawahiri waxaa lagu dilay Guri ku yaalla xaafadda diblomaasiyiinta ee Kabul, Axmed Godane waxaa lagu dilay meel u dhow Baraawe isagoo qare cunaaya,  Aadan Ceyrow waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Dhuusamareeb,  Saalax Nabhaan waxaa lagu dilay duleedka Baraawe,  isagoo  tijaabsanayay gaari nooca raaxada ah oo hadiyad loo siiyay, Fasuul Cabdalla waxaa la dilay isagoo gaari ku watay 40 kun oo Doollar, markii uu waddo khaldan qaaday.

Madaxda Argagixisada iyaga iyo qoysaskoodu qeyb kama aha dagaallada ee carruurta islaameed ayay xaabo ka dhigtaan marka ay marin habaabiyaan.

W.Q. Liibaan Cabdi Cali.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo deryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr, Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kaga qeyb…

GudahaWararka
February 22, 2023

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, isaga oo…

GudahaWararka
September 14, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya. Ra’iisul…

GudahaWararka
February 29, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Qaahira-(SONNA)-𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐈𝐥𝐲𝐚𝐚𝐬 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐮𝐛𝐚𝐤𝐚𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫 𝐤𝐮𝐥𝐚…

GudahaWararka
March 4, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023