Muqdisho,(SONNA):- Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa lagu qabatay kulan u dhaxeeyay hay’adda, Wasaaradaha iyo urur-rada ay wada-shaqeynta la leedahay oo looga arrinsanayay ka hor tagga iyo u diyaar garowga musiibada El-Nino oo laga cabsi qabo in ay saameyn taban ku yeelato qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Kulanka waxaa ka qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, xubo ka socday bulshada rayadka iyo ururka haweenka.
Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg-degga ah ee NEOC, Xassan Cabdulqaadir Ciise, ayaa maaxda kulanka ka qeyb gashay la wadaagay warbixin kooban oo ku aaddan khatarta iyo cabsida laga qabo saameynta taban ee ka dhalan karta duufaanta El-Nino, taasoo wadata fatahaado sababi kara barakac bulsho oo xooggan, waxaana lagu ballamay in wadajir loogu diyaar garoobo ka hor tag iyo daba-tag intaba.