Beijing (SONNA): Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha danjire Cawaale Cali Kulane ayaa magaalada Beijing kaga qayb galay xaflada abaal marinta ” sahminta hawada sare”, (My Dream of Going to Space).
Munaasabadan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen xoghaynta guddiga dabagalka Shiinaha ee madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika iyo Xafiiska Injineerinka Hawada Sare ee Shiinaha ayaa ujeeddadiisu ahayd in dhallinyarada Afrika laga qaybgeliyo dadaallada sahaminta hawada sare.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay qibradda shaqo ee “TIANHE PRIZE” ee laga soo ogaaday saldhigga hawada sare ee Tiangong iyo kulan xog-wareysi ah oo lala yeeshay cirbixiyeennada Shiinaha.
Danjire Cawaale Kulane, oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa ka mahad celiyay martiqaadka loo fidiyay, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay barnaamijyada hawada sare ee Shiinaha u leeyihiin dhiirigelinta dhalinyarada Afrika ee dhanka sayniska iyo tiknoolajiyada.
Ka qeybgalka safaaradda Soomaaliya ayaa muujineysa sida ay kaga go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sayniska iyo tignoolajiyada ee Shiinaha iyo Soomaaliya.