Muqdisho (SONNA): Guddiga horumarinta adeegga bulshada aqalka sare ayaa maanta kormeeray isbitaalka xoogga dalka oo ay ka socotay shaqada maalinlaha ah ee loogu adeegayo geesiyaasha Xoogga Dalka, iyagoo u kuurgelaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka, baahiyaha ka jira iyo xaaladda bukaannada, ayay warbixin guud ka dhagaysteen Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga iyo Agaasimaha Isbitaalka oo uga warramay xaaladda guud ee Isbitaalka.
Xubnaha guddiga adeegga bulshada aqalka sare oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga sanatar Dr Cismaan Maxamuud Maxamed {Dufle} ayaa intii ay ku sugnaayeen Isbitaalka waxay mid mid u booqdeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo dhawaacayada lagu daawaynayo.
Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada socota iyo dadaalada ay muujiyeen bahda caafimaadka Isbitaalka xoogga, waxayna ballanqaadeen in ka guddi ahaan ay kala shaqayn doonaan maamulka Isbitaalka xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira Isbitaalka xoogga dalka.