Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐šqada XFS ๐จ๐จ d๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ m๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ lagu horumarinayo q๐จ๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ d๐š๐ง๐ฒ๐š๐ซ ๐š๐ก
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 12, 2023
8 Min Read
Share

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay, isagoo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Degmada Awdheegle ku sugan, waxaana uu ku ammaanay sida ay geesiyaasha Qaranku cashar ugu dhigeen Khawaarijta diinta ka aradan ee lagu soo qalday weerarkii degmadaasi, wuxuuna ย halkasi u tegay inuu aad ugu bogaadiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka shabeellaha hoose, wuxuuna amray in loo soo gudbiyo dhammaan liiska ciidankii ka dagaal galay Awdheegle ee jabka culus gaarsiiyay Khawaarijta si loo dalacsiiyo, isagoo xusay in Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan uga wado ciidanka geesiyaasha ah ee dhabarka ka jabiyey Khawaarijta, islamarkaana Askari walba oo howlgalkaasi guuleystay qeyb ka ahaa la dalacsiiyo mid 2-darajo.

Khawaarijtu ayaa sida la ogsoon yahay ay tahay markii 3-aad ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan amniga Degmada Awdheegle, taasina ay muujinayso adkeysiga iyo heeganka ay had iyo jeer ciidanku ugu jiraan difaaca dalka, iyadoo Khawaarijta ay dhawaan isku day ama ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidanka ku soo qaaday degamada Awdheegle, waxaana halkaasi ay kala kulmeen jab culus, iyadoo looga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana Khawaarijta khasaare ballaaran lagu gaarsiiyay goobtaasi, waxaana geystay arrintaasi Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa saaxiibada Caalamka, iyagoo si feejignaan ah waajibkooda u gutay oo halkaasi ku laayay khawaarijtaasi, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka โ€œMeydadkooda ayaa daadsan waddooyinka iyo biyo mareenada, kadib markii si xun loo jabiyay wererarkii gaadmada ahaa ee ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka degan deegaankaasiโ€, waxaana looga furtay hub iyo saanad fara badan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlayay ciidamada qeyb ka noqon doona dagaalka Khawaarijta ayaa sheegay in uu dhammaad marayo waqtiga khawaarijta, islamarakana ciidanka looga baahan yahay in inta firxadka ee duurka ku dhuumaaleysanayo ay soo afjaraan, wuxuuna intaasi raaciyay in dhaawacyada Khawaarijta uga dhaawacmay howlgallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aysan heli karin Isbitaallo lagu daaweeyo, taasi bedaekeeda ay dhameystirayaan kuwa waxyeellada ka soo gaarto.

โ€œKhawaarijtu maanta ma heli karaan isbitaal ay geystaan kooda dhaawacma, waa dhammeystirayaan oo kaliyaโ€.ayuu yiri Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, wuxuuna ย ugu dambeyn dhammaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ugu baaqay in loo wada istaago sidii la isaga dul qaadi lahaa khawaarijta, isagoona ciidamada u rajeeyay guul, ย waxaana la ogsoon yahay in Kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab ay ku jirto xaaladdii ugu adkeyd waqtigan, iyadoo la soo warinayo in jahwareer ku jiraan, ayna heysato labo mid daran mid dooro oo kala ah in ay cadaaladda isku dhiiban ama iyagoo baxsad ah in goobaha ay ku dhuumanayaan in lagu khaarajiyo.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u heystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto, si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaalย  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo, wuxuuna shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan, kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo Argagixisada dhiigyo cabka ah.

โ€ Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax ha ku darsanina Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ahaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,โ€ ayuu yiri Generaal Cirro.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Generaal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaasi oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud ka ah oo howlgalkan guuleystay uu ballan qaaday in mar dhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, Waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa 10 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii soo sheegta Axmed Diiriye, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda. Abuu Cubeyda ayaa ah hogaamiyaha Al-Shabaab, xilkaas oo uu hayay tan iyo markii uu geeriyooday hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane. Abuu Cubeyda wuxuu qeyb ka ahaa dadkii Godane ugu dhowaa xiligii geerida Godane.

Ka hor inta uusan Godane bedelin, Abuu Cubeyda waxa uu Al-Shabaab ka soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya 2008-dii, iyo Guddoomiyihii Al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool inta lagu jiray sanadkii 2009-kii. Ugu dambaytii sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane, waxaana uu ka soo shaqeeyay โ€œWaaxda Arrimaha Gudaha,โ€ ee al-Shabaab, halkaas oo uu kula socon jiray dhaq-dhaqaaqa gudaha ee kooxda, wuxuu Godane la wadaagaa aragtida al-Shabaab ee weerarrada argagixisada al-Shabaab ee Soomaaliya oo ah mid ah himilooyinka waaweyn ee al-Qaacida.

Taariikhdu markay aheyad 21-kii bisha Abriil, sanadkii 2015-kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Abu Ubaidah waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddelay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Abu Ubaidah hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abu Ubaidah la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo al-Shabaab, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.

Warar hadda la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo deegaanka ah oo ka baxay Degmada Cadaado iyo deegaannada hoostaga ayaa hadda gacanta ku dhigay deegaanka Xinlabi oo Khawaarijta fariisin u ahayd in muddo ah, waxaa kaloo lagu soo waramayaa ย in Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay kaabiga u saran yihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka, halka ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Cadcadeey oo ka tirsan Degmadaasi. La dagaallanka iyo ciribtirka Khawaarijta arxanka darran ayaa maalmahaan si xowli ah uga socda guud ahaan deegannada kala duwan ee maamulka Galmudug.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wafdi ka socdo WFP

Dhuusamarreeb, SONNA:Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabbilay wafdi ka socday hayaโ€™dda WFP oo…

GudahaWararka
August 26, 2024

Madaxweynaha JFS oo sheegay in ciidanka XD ay xorreeyeen in ka badan 70 degmo & deegaan

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak…

GudahaWararka
November 20, 2023

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA FALASTIIN U FADHIYA SOOMAALIYA.

Muqdisho(SONNA):- 2025:Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka…

GudahaWararka
February 3, 2025

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in heerka amni ee…

GudahaWararka
June 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023