Muqdisho (SONNA): Guddiga gaarka ah ee arrrimaha xabsiga dhexe ee Xamar golaha shacabku u magacaabay ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko).
Intii uu socday kulanku ayaa guddoomiye Yusuf Madaale warbixin guud ka siiyey guddiga waxyaabahaย mamulka gobolku ka qabtay xabsiga, isagoo xusau in mudnaan gaar ah la siin doono xabsiga, si la mid ah sida maamulka gobolka muhiimada u siiyo degmooyinka gobolka Banaadir.
Ugu dambayn guddoomiyaha guddiga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha gobolka qaabkii wanaagsaneyd ee uu uga waramay inta uu kala socdo xaalada ka jirta Xabsiga, sidoo wuxuu sheegay inuu ka rajeynayo in warbixin dhameystiran uu guddiga kula soo laabto kadib marka uu booqdo xarunta xabsiga dhexe ee Xamar