Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2023
6 Min Read
Share

howlgalada lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ayaa sii xoogeysanaya, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay laga diiwaangalinayaa in Degmada Ruunnirgood, beryaanba ay ka socdeen duqeymo lala begsanayo Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab,  Waaberigi dorraato guri ay ku shirayeen kooxda Maafiyada Khawaarijta ah, gaar ahaan kuwa xisbada ay Shabaabku u yaqaaniin ayaa dhulka lagu malaasay/masaxay, waxaana la sheegay inaan hal ruuxna ka badbaadin, halka  Gurigii ku dhegganaa kuwa ku jirayna iyana laba midna garab ka go’ay midna labada lugoodna waa la sheegay, midkoodna uu yahay taliyihii saldhigga degmada  Khawaarijta ah ugu magacaawnaa Degmadaas, sida ay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegeen Dadka Deegaanka.

Shalayna  abbaaro 12:00-kii duhurnimo  meel aan degmada sidaa uga sii fogeyn ayaa lix madfac lagu dhuftay, Madfacana sidiisaba meel aysan dhoobneyn laguma rido, taas oo ka dhigan meeshii lix madfac ku dhacday waa meel ay ku baabba’een, sida la sheegay, ilaa haddana wax tafaasiil ah lagama haayo,  Gaalo jabkeeda waa qarsataa ayaan maqli jiray, haddase waxa beddelay: “Maafiyadu ama Khawaarijtu jabkooda waa qarsadaan”. “Howshu hadda ayay meel fiican ku socotaa ee yaan halkaas laga deyn. Guryaha ay ku shiraayaanna ha lagu gubo, markii la ciribtiro ayaan guryaha dhisaneynaa e”, sidaasi waxaa yiri Odey ka soo jeeda Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Goboka Shabeelada Dhexe.

Dhinaca Abaabulka Haweenka  aad buu u socdaa waxayna hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Ciidankooda ku jira la dagaalanka Khawaarijta, sidaasi awgeed ayay Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shalay xarunta Gobolka Banaadir ee lagu diyaariyo raashinka qalalan ee saadka ciidanka gaarsiiyay raashin kala duwan oo ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka (Macawisleey) ee jooga furimaha hore ee dagaalka, iyagoo ku jira howshaasi diyaarinta saadka Ciidanka ayay qaadayeen hees howleed ay ereyadooda ka mid ahaayeen :-  War Shabaaboow, Qaran diidaye ,  Qayaamaha hoo, dal xoreeyaa dalka soo galay.

Cumar Maxamed Kulmiye (Omar British) oo ah Tafatiraha SNA Radio ayaa wax ka qoray Asluubta iyo waxa looga baahan yahay qofka ka mid noqonaya Ciidanka Qaranka, waa uuna qoralkiisa ku bilaabay:- Maxaa Looga Baahan Yahay Ciidan? Ciidanka waxaa looga baahan yahay laba arrimood oo tiir u ah ciidanka waxayna kala yihiin  (Discipline And  Moral), oo ah Anshax iyo Niyad,  waa inuu  jiraa ismaqal iyo kala dambayn. Sarkaalka ciidanaka hogaaminaya waa inuu ciidanka u jiheeyo tubta wanaagsan ee ay cadawga ku jebin karaan, Ciidankana waa inay yaqaanaan howlgalka iyo cadawgooda dhanka uu ka jiro.

Haddii ciidan ay meel ka baxayaan waa in go’aanka uu ka yimaado madaxda sare, haddi loo arko in ciidankaas uu meesha halis ku galayo ama uu ku dayacan yahay waa dhici kartaa in dib u gurasho laga sameeyo. Waxaa  lagama maarmaan ah in quluubta ciidanka la diyaariyo, oo la baro wadaniyadda, loo diyaariyo hadba xaaladda ay wajahayaan, oo kaliya waxbarashadooda aan lagu ekeyn sida loo rido qoriga. Sidoo kale waxaa muhiim ah in ciidanka la baro xeeladaha ay isticmaalayaan kuwa ka soo horjeeda ee cadawga ah, loona xulo hoggaan sax ah oo qiimeyn kara xaaladda taagan, kuna hoggaamin kara siyaasad wanaagsan,  kana amar qaata dadka ka sarreeya, hadii taas la waayana, ay qolo waliba  sameyneso waxey doonto, waxaana meesha ka baxaya xakameynta khasaaraha soo gaaraya ciidanka, ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkisa Suxufigaasi.

“Mw Xasan Shiikh Maxamuud maanta wuxuu sidaasi ugu dhibtoonayo dantiisaoo kaliya ma aha, xaafiiskiisa qaboojiyaha leh inta dhex fariisto saas hala yeelo inuu dhaho waaye shaqadiisa, ku darsoo Qoyskiisa (familkiisa) iyo asaguna Alxamdulilaah aduunka meeshey rabaan ayay uga noolaan karaan,  balse damiirkiisa ayaa u diiday inuu khawaarijta ku fiirsado siday u cadaabayaan Shacabka Soomaaliyeed.  Kuwa halgankaasi in uu san guuleysan ka shaqeynaaya Qarash haku bixiyaan ama qaaquur ama Walaahoow dadka fahanka yar ha galiyaan,  waxaad ogaataa waxa loo dagaalamaayo waa mustaqbalka jiritaanka qofka Soomaaliga ah ee 15kii sano ee la soo dhaafay  Argagixisada u afduubnaay oo naftooda maalkooda iyo sharaftoodaba ay ku xadgudbaayeen”, sidaasi waxaa yiri:- Muwaadin Soomaaliyeed oo aad uga damqaday xaalka uu ku sugan yahay Madaxweynaha JFS.

“Ilmihi la dayacay ama duruuf guryahooda ha ka soo bixisay waaye kuwa ay maanta khawaarijtu qaraxa ku xireen iyagoo nool wax la fiirsa kara ma aha, meel dhexe oo la istaago ma leh sida Mw Xasan Shiikh Maxamuud Dalxoreeye yiri. Illaaheey waxaan ka baryaa inuu garabkiisa galo oo cadawgeenu jabo guul inshaallah”, sidaasi ayuu sii raaciyay.

Waxaan soo xasuustay Hees uu curiyey Allaha u naxariistee Abwaan Cusmaan Aaden Askari ee uu ku lahaa  oo ay ereyadeeda ka mid aheyd “Ninka ugu il-dheerbaa dadka ugu ayaan daran, Waxaan lala arkeyn baa, isaga uun u muuqdee Axey ax maskaxdaa laga abaaroobayee”. Marka waxa aan ku soo gunanadaa warbixintan ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi doonaa ‘.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Roobow oo saxiixay qoondada Soomaaliya ee xajka sanadkan

Jidah (SONNA): Waxaa si rasmi ah ugu furmey dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan magaalada Jeddah shir-weynaha/Maxdarka guud ee sanadlaha…

GudahaWararka
January 14, 2025

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee…

GudahaWararka
November 11, 2023

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Abu Dubai

SONNA (MUQDISHO)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi…

GudahaWararka
January 30, 2022

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay kulan looga hadlayay  dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme…

GudahaWararka
October 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023