Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2023
6 Min Read
Share

howlgalada lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ayaa sii xoogeysanaya, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay laga diiwaangalinayaa in Degmada Ruunnirgood, beryaanba ay ka socdeen duqeymo lala begsanayo Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab,  Waaberigi dorraato guri ay ku shirayeen kooxda Maafiyada Khawaarijta ah, gaar ahaan kuwa xisbada ay Shabaabku u yaqaaniin ayaa dhulka lagu malaasay/masaxay, waxaana la sheegay inaan hal ruuxna ka badbaadin, halka  Gurigii ku dhegganaa kuwa ku jirayna iyana laba midna garab ka go’ay midna labada lugoodna waa la sheegay, midkoodna uu yahay taliyihii saldhigga degmada  Khawaarijta ah ugu magacaawnaa Degmadaas, sida ay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegeen Dadka Deegaanka.

Shalayna  abbaaro 12:00-kii duhurnimo  meel aan degmada sidaa uga sii fogeyn ayaa lix madfac lagu dhuftay, Madfacana sidiisaba meel aysan dhoobneyn laguma rido, taas oo ka dhigan meeshii lix madfac ku dhacday waa meel ay ku baabba’een, sida la sheegay, ilaa haddana wax tafaasiil ah lagama haayo,  Gaalo jabkeeda waa qarsataa ayaan maqli jiray, haddase waxa beddelay: “Maafiyadu ama Khawaarijtu jabkooda waa qarsadaan”. “Howshu hadda ayay meel fiican ku socotaa ee yaan halkaas laga deyn. Guryaha ay ku shiraayaanna ha lagu gubo, markii la ciribtiro ayaan guryaha dhisaneynaa e”, sidaasi waxaa yiri Odey ka soo jeeda Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Goboka Shabeelada Dhexe.

Dhinaca Abaabulka Haweenka  aad buu u socdaa waxayna hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Ciidankooda ku jira la dagaalanka Khawaarijta, sidaasi awgeed ayay Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shalay xarunta Gobolka Banaadir ee lagu diyaariyo raashinka qalalan ee saadka ciidanka gaarsiiyay raashin kala duwan oo ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka (Macawisleey) ee jooga furimaha hore ee dagaalka, iyagoo ku jira howshaasi diyaarinta saadka Ciidanka ayay qaadayeen hees howleed ay ereyadooda ka mid ahaayeen :-  War Shabaaboow, Qaran diidaye ,  Qayaamaha hoo, dal xoreeyaa dalka soo galay.

Cumar Maxamed Kulmiye (Omar British) oo ah Tafatiraha SNA Radio ayaa wax ka qoray Asluubta iyo waxa looga baahan yahay qofka ka mid noqonaya Ciidanka Qaranka, waa uuna qoralkiisa ku bilaabay:- Maxaa Looga Baahan Yahay Ciidan? Ciidanka waxaa looga baahan yahay laba arrimood oo tiir u ah ciidanka waxayna kala yihiin  (Discipline And  Moral), oo ah Anshax iyo Niyad,  waa inuu  jiraa ismaqal iyo kala dambayn. Sarkaalka ciidanaka hogaaminaya waa inuu ciidanka u jiheeyo tubta wanaagsan ee ay cadawga ku jebin karaan, Ciidankana waa inay yaqaanaan howlgalka iyo cadawgooda dhanka uu ka jiro.

Haddii ciidan ay meel ka baxayaan waa in go’aanka uu ka yimaado madaxda sare, haddi loo arko in ciidankaas uu meesha halis ku galayo ama uu ku dayacan yahay waa dhici kartaa in dib u gurasho laga sameeyo. Waxaa  lagama maarmaan ah in quluubta ciidanka la diyaariyo, oo la baro wadaniyadda, loo diyaariyo hadba xaaladda ay wajahayaan, oo kaliya waxbarashadooda aan lagu ekeyn sida loo rido qoriga. Sidoo kale waxaa muhiim ah in ciidanka la baro xeeladaha ay isticmaalayaan kuwa ka soo horjeeda ee cadawga ah, loona xulo hoggaan sax ah oo qiimeyn kara xaaladda taagan, kuna hoggaamin kara siyaasad wanaagsan,  kana amar qaata dadka ka sarreeya, hadii taas la waayana, ay qolo waliba  sameyneso waxey doonto, waxaana meesha ka baxaya xakameynta khasaaraha soo gaaraya ciidanka, ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkisa Suxufigaasi.

“Mw Xasan Shiikh Maxamuud maanta wuxuu sidaasi ugu dhibtoonayo dantiisaoo kaliya ma aha, xaafiiskiisa qaboojiyaha leh inta dhex fariisto saas hala yeelo inuu dhaho waaye shaqadiisa, ku darsoo Qoyskiisa (familkiisa) iyo asaguna Alxamdulilaah aduunka meeshey rabaan ayay uga noolaan karaan,  balse damiirkiisa ayaa u diiday inuu khawaarijta ku fiirsado siday u cadaabayaan Shacabka Soomaaliyeed.  Kuwa halgankaasi in uu san guuleysan ka shaqeynaaya Qarash haku bixiyaan ama qaaquur ama Walaahoow dadka fahanka yar ha galiyaan,  waxaad ogaataa waxa loo dagaalamaayo waa mustaqbalka jiritaanka qofka Soomaaliga ah ee 15kii sano ee la soo dhaafay  Argagixisada u afduubnaay oo naftooda maalkooda iyo sharaftoodaba ay ku xadgudbaayeen”, sidaasi waxaa yiri:- Muwaadin Soomaaliyeed oo aad uga damqaday xaalka uu ku sugan yahay Madaxweynaha JFS.

“Ilmihi la dayacay ama duruuf guryahooda ha ka soo bixisay waaye kuwa ay maanta khawaarijtu qaraxa ku xireen iyagoo nool wax la fiirsa kara ma aha, meel dhexe oo la istaago ma leh sida Mw Xasan Shiikh Maxamuud Dalxoreeye yiri. Illaaheey waxaan ka baryaa inuu garabkiisa galo oo cadawgeenu jabo guul inshaallah”, sidaasi ayuu sii raaciyay.

Waxaan soo xasuustay Hees uu curiyey Allaha u naxariistee Abwaan Cusmaan Aaden Askari ee uu ku lahaa  oo ay ereyadeeda ka mid aheyd “Ninka ugu il-dheerbaa dadka ugu ayaan daran, Waxaan lala arkeyn baa, isaga uun u muuqdee Axey ax maskaxdaa laga abaaroobayee”. Marka waxa aan ku soo gunanadaa warbixintan ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi doonaa ‘.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoonka Labada Gole Baarlamaan oo ka arrinsaday qabanqaabada Furitaanka Kalfadhiga 4-aad

Muqdisho(SONNA):-labada Gole ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku…

GudahaWararka
November 11, 2023

Ra’iisal wasaare Xamse oo u ambabaxay boqortooyada Sucuudiga

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa u ambabaxay waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu…

GudahaWararka
June 20, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada…

GudahaWararka
February 7, 2023

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qaadaysa talaabooyin qeyb ka ah fulinta go’aannada NAMLC

  Muqdish:-SONNA-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada…

GudahaWararka
March 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023