Muqdisho,(SONNA):-Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii door firfircoon ay Odayaasha dhaqanka uga qaadan lahaayeen dagaalka kadhanka khawaarijta iyo sidii qaab wada ogol ah loogu wadaagi lahaa mashaariicda kala duwan ee degmada Maxaas laga fulin doono,si bulshada horumar balaaran u gaarto.
Odayaasha dhaqan degmada Maxaas ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane sida uu xilli walbo ugu taaganyahay horumarka degmada Maxaas.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa Odayaasha dhaqanka u ballan qaaday in dadaalkiisa uu laba jibaari doono,isla markaana dhismaha xaruunta maamulka iyo dhismaha Saldhigga Boolisla Maxaas dhawaan ay bilaaban doonaan waxuuna isagoo dhinaca kale xusay in hay’adaha samafalka bulshada degmada Maxaas gaarsiin doonaan Raashiin Lacag bil ah iyo deeqo kale.