Beijing,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad ka jeediyay madasha adeegga Ganacsiga Caalamiga ah ee 2023 ee Dalka Shiinaha, (2023 China International Fair for Trade in Services (CIFTIS)”, taas oo lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda Dalkaas.
Bandhiggan Ganacsi oo ujeeddiisu tahay kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ayaa Danjire Kullane wuxuu ka jeediyay khudbad dhinac badan taabaneysay, isagoo ku dheeraaday dhinacyada Soomaaliya iyo Shiinaha in ay iska kaashan karaan sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iskaashiga dhanka tamarta, horumarinta beeraha, waxbarashada, kordhinta ganacsiga iyo maalgashiga.
Sidoo kale, Danjire Kullane, ayaa soo hadal qaaday khibradda Shiinaha ee dhanka dhismaha iyo Injineernimada, suurtagalnimada in shirkadaha Shiinaha ay ka caawiyaan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, kobaca beeraha Soomaaliya, baahida waxbarasho iyo tayaynta, iyo muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro caqabadaha ganacsiga si loo dhiirigeliyo maalgashiga soomaaliya.
Khudbadda Danjiraha oo ahayd mid muhiim ah, wuxuu dhinaca kale, muujiyay in Soomaaliya iyo Shiinaha labaduba ay daneynayaan xoojinta xiriirkooda.
Safaaradda Soomaaliya ee Beijing ayaa u mahadcelisay dowladda hoose, waxayna hoosta ka xariiqday in tallaabadan sii xoojineyso xiriirka labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya.