Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la taageero ciidanka Qaranka ee howlgalka kula jira khawaarijta
Mudane Jawaari ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay labada cadow oo ku kala sheegay shisheeye iyo cadow gudaha ah oo Soomaalida ka dhex shaqeynayo, muhiimna ay tahay in ummadda soomaaliyeed ay ku baraarugaan.
“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay laba cadow oo kala ah cadow shisheeye oo noo tashtay, cadowga kalena waa kan gudaha, aadbaan uga xumahay in labada dhinac ee dagaalamaayo ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Waxa uu sidoo kale Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,wuxuuna xusay in qof walba uu waajib ku yahay,madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh ayuu ku bogaadiyay sid ay uga go’antahay ciribtirka khawaarijta muddada dheer dhibaatada ku hayay Shacabka Soomaaliyeed.
“Siyaasad tii lagu raadinaayay ma’aha tan waa tii mas’uuliyadda la wada qaadanaayay” ayuu mar kale yiri “Jawaari”