Addis Ababa-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa kula shiray kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay H.E Atul Khare iyo madaxa qaybta taageerada ee UNSOS H.E. Amb Aisa Kacyira.
Ugu horrayn danjire Warfaa ayaa masโuuliyiintan warbixin guud ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u caddeeyey in madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ay dedaal ugu jiraan xasilinta dalka iyo xaalufinta khawaarijta, isla markaana laga gaaray guulo waaweyn.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey dhowr arrimood oo muhiim u ah horumarka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xasiloonida, nabad-gelyada gobolka geeska africa iyo xoojinta taageerada joogtada ah ee aan gaabiska lahayn oo ay UNSOS la garab taagan tahay Soomaaliya.
Safiir Warfaa iyo xoghaye Atul ayaa si guud la isula qaatay in la dar-dar geliyo taageerada ay hay’adaha Qaramada midoobay gaar ahaan UNSOS siiyaan Soomaaliya.