Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi oo uu wehliyo mudane Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee BF iyo maamulka degmada Xarardheere ayaa maanta kormeeray goobo badan oo loogu adeego bulshada sida Isbitaalka, iskuulka, saldhigga degmada iyo meelo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Mas’uuliyiinta la socotay ayaa waxaa ay u kuurgaleen xaaladda goobahaasi, iyaga oo dhageystay qaabka shaqo, baahiyada adeeg ee jirta iyo sida wax looga qaban karo.
Dhammaan goobaha la booqday waxaa ka muuqatay dib u howlgelin iyo dayactir lagu sameeyay kadib markii degmada laga saaray kooxda khawaarijta ah, waxaase u dhimman qalabeyn, tayeyn iyo arrimo badan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo la hadlay maamullada kala duwan ee goobaha uu booqday ayaa ku bogaadiyay shaqada adag ee ay degmada u hayaan, haddii ay ahaan lahayd dabiibidda bukaanno meelo fog laga keenay, caruur xilli adag wax baraneyso iyo saldhig degmada oo wax badan ka tari doona amniga.
Dhanka kale, Mudane Axmed Macalin Fiqi, wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa ballanqaaday in ka dowlad ahaan ay gacan weyn ka geysan doonaan horumarinta goobaha adeegga bulshada, hortabinna ay u tahay xukuumadda Dan Qaran iyo barnamaijyadeeda Xasillinta sidii loo dabooli lahaa baahiyada deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xoreynayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa booqasho shaqo ku jooga Galmudug, isaga oo abaabul ka dhan Khawaarijta ka wada deegaannada kala duwan ee Galgaduud iyo Mudug,