Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha bulluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Muqdsiho ka furay shirka dhismaha waaxda Dhaqaalaha Buluugga ah ee wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya, Shirka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Kalluumeysiga ee dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, Agaasime Waaxeedyada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dhiso madal daadihisa, iskuna daba ridda ka faa’ideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah , madashaan ayuu sheegay ineey u adeegeyso dhammaan, kalluumeysatada, iyo dadka kale ee siyaabaha kala duwan uga faaideysto biyaha.
Agaasime Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka ay dhibaato ku tahay kalluumeysiga sharci daradda ah, si looga hortago ayuu sheegay in wasaaradda ay xoojineyso qalab la socodka Maraakiibta soo gasha biyaha Soomaaliya, Qaar ka mid ah Agaasimyaasha Wasaaraddahdda Kalluumeysiga ee dowlad goboleedyada ayaa soo jeediyay in la kordhiyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed si looga faa’ideysto Kheyraadka Badda.