Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 30, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Qalabka Sida mar kale ku amaaney geesinimada ay muujiyeen intii ay socdeen hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isagoo dhanka kale ka dalbadey shacabka ay taageero buuxda u fidiyaan ciidanka.

2- Shirkii 7aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb, laguna taageeray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku baaqay in loo kala harin ciribtirka Khawaarijta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorkooda dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa bogaadiyay Ciidanka Qalabka Sida ee dagaalka kula jira haraadiga Khawaarijta Al Shabab.

6- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Danjiraha Qatar ee Somalia, kana wadahadlay iskaashiga labada dal.

8- Golaha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulan la qaatay guddiga xasillinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daah-furay shir ku saabsan isku-duwidda deeqaha.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Koonfuur Afrika kaga qeybgalay shir madaxeedka BRICS, kulamana la qaatey madax shirkaasi ka soo qeybgashey.

12- Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan oo kulan la yeeshay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka.

13- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Golaha Shacabka u gudbisay xisaab -xirka dowladda ee sanadka 2022-ka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo hawlgal ka fuliyay degmada Aw-Dheegle een Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku dlay 27 Khawaarij ah,

15- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey kulan looga hadlay xasilinta iyo isku-duwidda arrimaha gargaarka ee degaannada laga xoreeyey khawaarijta.

16- Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Dac ee Gobolka Galguduud

17- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo daahfurtey qorshe shaqaalaha wasaaradda ay kaalintooda uga qaadanayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, gaar ahaan dhanka fariimaha baraha bulshada.

18- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo wali wadda dhegeysiga dacwad ka dhan ah eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuqa hantida guud.

19- Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Madasha Mutadawiciinta Soomaaliyeed (Somalia volunteering work forum).

20- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo kulan looga hadlayay ciribtirka fikirka Khawaarijta iyo xoojinta kaalinta wacyigalineed ee culimada la qaatay culumada.

21- Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Mareykanka la saxiixatay heshiis horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya labada dowladood.

22- Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabanaysa Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka.

23- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale ayaa furay tababar ku saabsan isku xirka xiriirka warbaahinta iyo la dagaalanka fikirka Khawaarijta kaas oo ka qeybgalaayn hay’adaha dowladda ee heer federal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo soconaya shan maalmood.

24- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xoojinaysa adeegyada caafimaad ee ay siineyso ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee u taagan dagaalka Khawaarijta.

25- Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ugu qaabilsan Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Danjire Cabdisalan Omar Hadliye ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dedaalada Soomaaliya ugu biirayso ururkan.

26- Wakaaladda Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka oo wada qaban qaabada tartan suugaaneed lagu soo bandhigayo guulaha la dagaalanka Khawaarijta iyo dhibaatooyinka ay bulshada u geystaan.

27- Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellada Hoose ku burburiyey maxkamad beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas.

28- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deeganka ayaa si buuxda ula wareegay Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galguduud.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo gargaar u dirtay goobihii laga saaray argagixisada.

30- Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo la wareegay xilka.

31- Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga, taas oo quseysa hay’adaha gacanta ku haya hantida dowladdu leedahay ama kuwa bixiya adeegyada caamka ah.

32- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee shalay la wareegay deeganka Cowswayne ayaa soo Bandhigay horjooge Cabdiraxmaan Foodeey Kulmiye malleeshiyaad kale oo duurgal ahaa oo naftooda kala soo baxsaday Khawaarijta, iskuna soo dhiibay dowladda.

33- Horjoogihii DIlalka iyo qaraxyada Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Mudug Nuur Deeq Cabdullahi Maalinguur oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.

==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo xoojisay weerarada waqooyiga, koonfurta iyo bartamaha Gaza

Taangiyada Israa'iil ayaa ku sii qulqulaya galbeedka Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo madaafiic ku garaacaya teendhooyinka ay degan yiiin dadka…

Caalamka
June 21, 2024

Warbixin: Horjoogayaasha Khawaarijta oo wajahaya cabsi iyo walwal xooggan

Muqdisho (SONNA0:- Deegaanno muddo dheer aysan Maankooda galin Khawaarijta in mar uun loogu imaan karo ayay geesiyaasha ciidanka qaran u…

GudahaWararka
December 27, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka…

GudahaWararka
June 30, 2024

Shir ku saabsan taageerada QM in lagu saleeyo qorshaha Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA):  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah…

GudahaWararka
July 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023