Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan
    February 16, 2026
    Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha
    February 16, 2026
    Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal
    February 16, 2026
    Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka
    February 16, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab
    February 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
GudahaWararka

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

By Abdulkadir
Last updated: August 28, 2023
4 Min Read
Share

Dhuusamareeb(SONNA):-Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:

1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

• QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:

• HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.

• Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.

• Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.

• Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.

• XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.

• U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).

Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.

• DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.

• Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.

• QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

▪ Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.

• MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

    

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan

Addis Ababa (SONNA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan,…

February 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha xoogga dalka oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka gaarka ah ee Mareykanka

Muqdisho (SONNA): Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka…

GudahaWararka
April 29, 2024

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyay kulan xalay Ra”iisul Wasaaraha uu la qaatay ganacsatada

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Iimaan Biixi Cige oo ka warbixiyey kulankii uu caawa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre…

GudahaWararka
August 18, 2024

Ra’iisul wasaare Rooble oo koobka degmooyinka gobolka Banaadir gudoonsiiyey degmada Shengaani.

Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka ciyaaraha degmooyinka…

GudahaWararka
November 30, 2020

Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyay naftii halige isku qarxiyay goob lagu harsado

Muqdisho (SONNA) - Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal ka soo saaray qarax galabta qof naftii halige ah oo ka…

Wararka
October 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023