Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay shalay aroortii hore maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo qaadeen deegaanka Cows-wayne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud oo dhawaan dib loo xoreeyay, iyadoo ay wararku sheegayaan in Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ay jilibka u dhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin, Kuwo nafood haligayaal ah iyo Maleeshiyaadkoodaba, waxaana uu Dagaalkaasi ku soo gabagaboobay Kooxdii duulaanka soo qaaday oo si weyn loo jabiyay, waxaaa la isugu daray xabbado uga imaanayay Ciidamada isgarabsanaya iyo duqeyn dhinaca cirka ah.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle , waxaana soconaaya dhamaystirka hawlgalka ka dhanka Kooxdaas nabad-diidka ah ee ku gamban jirtay Diinta Islaamka, balse ay arrintaasi fashil ku soo dhamaatay, ka dib markii Dadka Soomaaliyeed ay fahmeen inay caqiidadoodu tahay inay banneystaan Shacabka Dhiiggooda iyo Maalkooda.
Cows-weyne tiro tamar daran oo Argagixiso ah ayaa soo weerartay, mid nabad qabana kama laaban, balse waxaa jira Dad caadeystay in ay buun buniyaan wararka ay soo qoraan Warbaahinta Kooxda Khawaarijta ah, islamarkaana aan ka hadlin marka ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay guulo gaaraan sida qabashadii Magaalada Ceelbuur oo la ogsoon yahay inaysan wax jooq ahba ka oran, ma sheegayaan tiradaa Khawaarijta ka baqtisay aan arag, laakiin halyeeyada shahiiday Eheladooda ku diganaya, kuwaasi meesha ay noo joogo ayay na tuseen, waxna kama qaban karaan halganka dib u xoreynta deegaannada ee ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee ka socda Dalka, waxaan u sheegeynaa in Deegaanka Cows-weyne Raggii xoreystaa inay ku xarakoonaya, daggaalkuna waa gabagabo.
“ Khawaarijta iyo Af-khawaarijku sidaas ayay been iyo cabaad isugu dhinaca wadeen ilaa maalintii sifeyntooda bilaabatay, iyaga oo sidaasi ah ayaana inta ugu dambeysa Godadka loogu tagayaa insha allaah”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.
“Waxaan Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga hambalyeynayaa guulaha wax ku oolka ah ee laga soo hooyay howl-gallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa howl-galladii ugu dambeeyay ee degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ugu dambeysay degmada Ceelbuur looga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee xilliga dheer horumarka ka hor taagneyd dadka iyo deegaanka”, sidaasi waxaa yiri Raiisul-waarihii hore ee Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.
Raiisulwaarihii hore waxa uu aad ugu mahadcelinayaa intii ka qeybqaadatay dib u xoreyntii Magalada Ceelbuur, ayaa yiri:- Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay howl-gallada oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo carbiyay ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed, saaxiibada Soomaaliya la garab taagan taageerada buuxda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xasuusinayaa dowladda labadeeda heer muhiimadda ay leedahay in xoogga la saaro gaarsiinta adeegyada dowladeed, xasilinta iyo horumrinta deegaannada laga saaray Khawaarijta, waxaana mar kale ku baaqayaa in loo midoobo dagaalka dib-u-xoreynta ee Khawaarijta lagu cirib tirayo”.
Dhallinyarooy magaalooyin aan hubo in aanad badankiin hore u arkin ayaa maanta xor ah. Kuwiina ku dhashayna, idinka oo yar yar ayaa la idinka soo waday, si aad meelo ay nolol iyo waxbarasho taal ugu kortaan. Waxaana laga soo tegay intii ay tabartu u deyrisay oo awoodi waayay inay soo guuraan. Marrastaas ayaa 15 sano ku hoos noolaa Shayaadiin nolosha iyo horumarkaba col la ah.
Maanta haddii uu dhulkii dib u xoroobay waxaa mahaddaas leh Ilaaheey, ka dibna Madaxweyne Xasan Sheekh oo tan iyo maalintuu xafiiska yimid aanan nasan, isagoo isku howlay diyaarinta cudud dawladeed oo dalka iyo dadka xoreysa. Cid kasta oo dadaalka dawladda garabgashay oo ay beeluhu ugu horreeyaan ayaa iyagana ammaan mudan.
Kaalinta dawladdu waa xoreyn, xejin & xasillin, halka kaalinta beeluhuna ay yihiin wada-noolaasho iyo wax-wada-qabsi. Waxyaabaha miraha guusha beylihi doona oo dhiigga mujaahidiintii xoreynta u dhimatay dayaci doonana waxaa ugu weyn badawnimada iyo faanka Facebook ku kooban oo lala tago magaalooyinka ay noloshu billowga u tahay. Magaalo hebel yaa leh? Waxaa leh intii ku noolayd markii ay Argagaxisadu joogtay oo lagu daray intii hadda ka dib tegi doonta, si ay u horumariso. Suaasha kale Yaanan laheyn? Badawga shalay Argagaxisada ka baqi jiray oo aanan tegi jirin, ee maanta markii ay wiilal faciis ah u xoreeyeen raba inuu xin iyo xasarad u aado.
Howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ka socda degaanno kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle,waxan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaan garab taagan bulshada qeybaheeda kala duwan. Ururada Haweenka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda u istaagay sidii cuntooyin fudud ay ciidamada u gaarsiin lahayeen, halka qaarkood ay qeyb ka yihin howlgallada socda, sidaasi awgeed Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka qeyb galeysay Barnaamijka Raad raaca oo oo ka baxa Talefeshinka Qaranka ayaa sheegtay in ay sameyeen olola is-xilqaan ah oo ay ku garb istaagayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka.
Guddoomiye Jawaahir Baarqab” haddaan nahey haweenka Soomaaliyeed waxaan sameyney is-xilqaan aan ku garab istaageyno Ciidamada furimaha dagaalka kula jira khawaarijta dalka looga xoreynaayo”, Sanatar hore Naciimo Ibraahim”waan garab taaganahay kuna taageereynaa naftood hurayaasha xoogga Dalka ee guulaha ka soo hooyay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta oo dhibaatada dalkaan ay ka geysteen qoys kasta iyo guri kasta oo Soomaaliyeed ay gaartay”, ayay iyaduna sii raacisay.
Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guula waaweyn ka soo hooyay howlgaladii ugu dambeyay ee khawaarijta looga saaray deegaanno iyo tolooyin ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana ugu dambeysay tii dib loogu xoreynta Magaalada Ceelbuur oo ay kooxda Khawaarijta ah ay joogeen muddo ka badan 16 sano.