Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay markii labaad xilka tartankii madaxtinimo ee dalkaasi, iyadoo dhinaca kale natiijadii soo baxday ย ay diideen kooxaha mucaaradka.
Guddiga doorashada Zimbabwe (ZEC) ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in Mnangagwa uu ย ku guuleystay 52.6 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka 44% uu helay Nelson Chamisa, oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamayey.
Taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa u dabaaldegay natiijada doorashadaasi,halka Promise Mkwananzi oo ah af-hayeenka Isbaheysiga Muwaadiniinta ee Chamisa’s Coalition for Change (CCC) uu natiijada ku tilmaamay been abuur.
Mnangagwa Emmerson Dambudzo oo ka tirsan xisbiga ZANU-PF,waxa uu xilka kala wareegay Robert Mugabe oo sanadkii 2017-dii ay afgambi ku sameeyeen ciidamada Simbabwe,waxaana haatan madaxweynaha la doortay markii labaad horyaalla xal u helidda qalalaasaha dhaqaale ee ka jira dalkaasi.