Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo ka duuleysa qorsha ciribtirka Khawaarijta ayaa qorshaynaysa sidii adeeg Caafimaad ay u helli lahaayeen bulshada ku nool goobaha laga xureeyey Khawaarinta.
โWasaaraddu waxay dhiiragellinaysaa, garab buuxo oo dhanka Caafimaadka ahna sii naysaa Ciidamadeena sooma jeestayaasha ah ee dhabarka u ritay difaaca Umadda Soomaaliyeed iyo baabi’inta Cadowga caadeystay dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.โ Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka.
Waxaa Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka go’an in Ciidankeenu hellaan daryeel Caafimaad, Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysnaa goobaha laga eryey iyo kuwa laga eryi doono Khawaarijta inay iyaguna hellaan gurmad iyo daryeel Caafimaad.