Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug
    July 24, 2025
    Wasiirka Caddaaladda XFS iyo Majmaca Culimada oo ka wada hadlay la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta
    July 24, 2025
    Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo furay b๐š๐ง๐๐ก๐ขgga w๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š m๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐da s๐š๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ค๐š
    July 24, 2025
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Axmed
Last updated: August 23, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamaqa Qalabka Sida Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Khawarijta Al Shabab ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidanka iyo odayaasha dhaqanka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay suโ€™aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tinna Intelman oo ay u dhammatey muddo xileedkeeda diblomaasiyadeed ay ku joogtay dalka.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey dardar gelinta amniga magaalada Muqdisho.

6- Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Wasiirada Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, soona dhoweeyay ansixinta Istaraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka oo ay hayโ€™adahaasi ku heshiiyeen.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray Golaha Wasiirada iyo dhammaan hayโ€™adaha dowladda in ay ka qayb qaataan halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

9- Raโ€™iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Muqdisho ka daah furay dib u eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka.

10- Raโ€™iisal Wasaare Ku Xigeennka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta dhexe ee Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo hayโ€™adaha dowladda iyo shaqaalahooda faray inay af iyo addinba uga qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab.

12- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howlgallada dib-u-xoreynta.

13- Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa daah furay Istaraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Dowlad Goboleedyada Dalka.

14- Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa ku dhawaaqey in 1-da bisha September si rasmi ah loo bilaabi doono tartan suugaaneedka barnaamijka Hirgeli Hibadaada Faneed oo ay dhalinyaro ku tartami doonto.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa soo xiray tababar u socday 106 diblomaasi oo wax ka baranayey Machadka Diplomaasiyada iyo Hab Maamuuska Qaranka.

16- Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Masar, Dr. Ayman Caashuur.

17- Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay madaxa Al Azhar Dr. Axmed Al-Tayeb.

18- Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in 30-ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud.

19- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo sheegay in wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqaynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jiro kooxda Khawaajita Al Shabab.

20- Ciidammada Xoogga Dalka oo degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ka saaray kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

21- Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe oo ay ku dhuumaalaysanayeen khawaarijta Al Shabab.

22- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.

23- Bulshada Degmada Cabudwaaq ee Galmudug oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.

24- Shacabka degaanka Bacaad Weyn ee Koonfuurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

25- Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya Marwo Farowsa Cusmaan Cigaal ayaa Nairobi kula kulantey madaxda sare ee Hayโ€™adda Duulimaadyada Caalamiga ah ee ICAO.

26- Taliyaha Ciidanka Xoogga General Ibraahim Sheekh Muxudiin oo kormeer ku tagay Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

27- Ciidanka Xoogga Dalka oo burburiyay fariisimo Khawaarijta ku lahayd dhulka hawdka ah ee hoostaga Run-Nirgood iyo Galcad.

28- Wasiir Ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah ee dowladda.

29- Xarunta Qaran ee Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah oo xubnaha Khawaarijta ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan.

30- Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka dhacay Galgaduud ku khaarajiyay 5 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

31- Ciidanka xoogga Dalka oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Buqda-Aqable ee gobolka Hiiraan ku dilay 18 ka tirsan Khawaarijta , khasaare ballaaranna u geystya argagixisada.

32- Dibadbax lagu taageerayo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Khawaarijta oo Cadaado ka dhacay.

33- Dibadbax lagu taageerayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta oo ka dhacay Baxdo.

34- Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo ardayda ku biiraysa jaamacadaha ku waajibineysa inay soo qaataan hal sanno oo waxbarasho diyaar garow ah.

35- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Cali Fuuto ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay in ka badan 20 dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Muqdisho-(SONNA)-Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saldhig cusub oo laga furay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne+Sawirro

Baladweyne-(SONNA)-Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ka war bixiyay saldhig cusub oo laga hirgeliyay gudaha Garoonka Diyaaradaha…

Wararka
February 20, 2020

Howl-wadeenada Wasaaradda Shaqada XFS oo loo furay Tababar aqoon kororsi ah

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Xaaji Xuseen ayaa xarunta Wasaaradda ka daahfurtay tababar…

Wararka
November 24, 2020

Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA) - Munaasabad lagu weynaynayay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka oo ku began 12 ka August ayaa caawa…

CiyaarahaWararka
August 12, 2020

Tirakoob iyo dib u habeyn lagu sameeyay ciidamada xoogga ee ku sugan Hiiraan

Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka Col Maxamuud Xassan Ibraahim Baakay, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashanle…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023