Muqdisho (SONNA): Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa xusay in ciidanku maanta qaaday tallaabooyin waawayn oo dhul muhiima looga xoreeyey Khawaarijta, kuwaas oo ay ugu muhiimsantahay magaalada Wabxo oo Galgaduud ka tirsan.
Waxa uu sheegay in ciidanku ay hadda wadaan hawlgal sifeyn ah oo waxyaabaha qarxa iyo haraadigiga Khawaarijta looga saarayo deegaanada la xoreeyey, islamarkaana ciidamada oo ka hawlgalaya aagag kala duwan ay ku sii siqayaan degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri, sidoo kalena ay ciidanku maanta la wareegeen deegaanada Jaaw Gaagaale, Gal-qoryaal, Biddeciise.
Deegaanadaas ayey Khawaarijtu ku lahaayeen maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka shacabka ah baad uga qaadi jireen, kuwaas oo maanta la burbiriyey.
Jeneraal Caanood ayaa xusay in ay aagagga dagaalka iska soo dhiibeen dhallinyaro badan oo ay qaldeen Khawaarihtu, waxaana uu ugu baaqay kuwa wali u dagaalamaya inay ka faa’iideystaan waqtiga oo ay isi soo dhiibaan, si ay u helaan cafis, dhaqancelin, waxbaarsho iyo fursado kale.
Afhayeenka ayaa xusay in ciidanka xoogga dalku ay maanta yihiin kuwa awood leh oo haysta gaadiid cir iyo dhulba leh, islamarkaana go’aanku uu yahay in dalka oo dhan laga ciribtiro kooxa argagixisada ah ee Khawaarijta.