MUQDISHO-(SONNS)-Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Huruuse ayaa tababar u soo xiray 106 dibloomaasi oo ah horrintii 11-aad eek a qalin jabineysa Mac’hadka diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arimaha dibadan.
Diblomaasiyiinta maanta qalin jabisay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, Senetaro, La-taliyeyaal, Masuuliyiin, Shaqaalaha Dawlada, iyo Masuuliyiin ka socday maamul Gobaleedada Dalka ayaa ka kala socda xafiisyada Madaxtooyada Somaliya, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha dalka, iyo Maamul Gobaleedyada Dalka.
Ma’hadka diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arimaha dibadan ayaa sanadkiiba soo saara illaa Afar dufcadood oo u tababaran Diblumaasiyada iyo habmaamuuska qaran oo loo diro Safaaradaha aynu dalka dibadiisa ku leenahay iyo xafiisyada sar sare ee dalka.