Masuuliyiin badanayaa safarro shaqo ugu tagay Deegaannada ay ka soo jeedaan ee uu ka socdo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa Safarkan dhulka ah ee uu ku tagey Dhuusamareeb ilaa Xarardheere Wasiir ku-xigeen wasaaradda isgaarsiin tiknolajiyada dowlada Soomaliya Xildhibaan Xussen Axmed Culusow ayaa ku saabsanaa diyaarinta ciidanka deeganka degmada Xarardheere ee macawesleyda si ay uga qeyb qataan dagaalka Galmudug looga sifeynayo Khawaarijta, wxuuna kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Xarardheere, kuwaasi oo u diyaarsan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka.
Kulan gaara ah oo uu Wasiir ku-xigeenku la yeeshey odoyaasha dhaqanka reer Xarardheere ayuu ka dhageeystey baahiyaha gaarka ah ee degmada,ย isagoo kula dardaarmey inay ku fara adeegaan xasiloonida degmada, kana qeyb ย qataan ka sifeynta Galmudug ee Khawaarijta.
Odoyaasha ayaa sheegay in khawaarijtu ay dhibaatooyin badan u geysteen sida in culimadu diinta ay taqaan ku cibadeysan wayeen, in masaakiintii mudneyd la siin waayay sakadii iyo sadaqadii badelkeedana inta xoog nooga qaatan ay waxyaabo qaldan ku sameyn jireen.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Isgaarsiin iyo tiknoolajiyada Soomaaliya Xildhibaan Xussen axmed culusow ayaa banaanka degmada Xarardheere ku booqday ciidamada ah kuwa dadka degaanka ee macawedleyda iyo Gawaaridooda dagaalka, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ciidamada Dowlada kala qeybqataan ciribtirka nabad diidka Khawaarijta ah.
Wasiir ku xigeenka oo booqdey fariisimaha ciidamada dowladda ee Komaandooska Gorgor ayaa deeq Xoolo ah gaarsiiyay oo loogu talagaley inuu ku dhiiragaliyo ciidamada difaaca jiida hore. 16kii Janaayo ee sanadkaan ayay ciidamada dowladda kuwa Galmudug oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee macawesleyda ay degmada Xarardheere ka xoreeyeen Khawaarijta, kuwaasi oo muddo shacabka ku dhibateynaayay, iyadoo ay 7-bil iyo maalmo ay ka soo wareegtay, xiligaasina wixii ka dambeyeyna waxaa dib u soo laabanayay nolasha asaasiga ee bulshada deegaanka.
Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Sarakiil ciidan ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasi oo socdaalkooda ku wehlinayay Agaasimaha Guud xarunta Qaran ee (Tubasan), Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa halkaa waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maamulka Degmada iyo Sarakiisha ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka.
Taliyahaย Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay halkaa ku leeyihiin, isagoo Ciidanka ku dhiirigaliyay shaqada wanaagsan ee ay dalka u hayaan, waxa una ciidamadaย faray sida ay muhiim u tahay ay ka foojignaadaan dhagaraha ay khawaarjtu u soo maleegto Shacabka Soomaaliyeed.
Taliiska Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo dalka looga xoreynayo kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab oo muddada dheer dhibaatada ku hayay Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in taliyaha sidaan oo kale uu u booqday furumaha hore ee ay ku sugan yihiin geesiyaasha Xoogga Dalka, si loogu dhiirigaliyo shaqa muhiimka ay dalka u hayaan.
Dhinaca kale Xaruunta Tubsan ayaa soo saartay Digniin cusub, taasi oo ugu dambeyntii ah digniinaha is-daba joogga ah ee loo soo jeedinayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyadoo Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan ay ku wargelinayso dhammaan Xubanaha ka tiran kooxda Aragagixisada ah, balse daneynaya in ay Dowladda isku soo dhiibaan, kana baxaan kooxahaasi Argagixisada ah iyo Waalidiinta Caruurta laga marin habaabiyay in ay nagala soo xariiri karaan Numberro gaar ah, ย is loo gacan siiyo isa soo dhiibayaasha iyo Waalidiintaba. Xaruuntan ayaa sidoo kale ku baaqday in xubnaha wali ku jiray ama jooga dhanka khawaarijta in ay ka faaโiideystaan fursadda uu siinayo xeerka cafiska Dadka isku dhiibo dowladda, kana soo baxaan kooxda khawaarijta ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in Isxaaq Mayow Mohamuudย oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Sayib) oo ka tirsanaa Nabadiidka Alshabab ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad. Isxaaq oo Muddo Afar sano ah ka tirsanaa khawariijta ayaa u qaabilsanaa Jabhadda, isagoona ka qeyb qaatay dagaallo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo, Jubbooyinka iyo Deegaanno kale, wuxuuna sheegay in khawaarijta uu ka soo baxay kadib markii u dulqaadan waayay dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo mid ay u geysaneyaan Shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waxa uu Isaaq khawaarijta ku tilmaamay in awooddooda ay maanta ka liidato Quraanjo, ka dib markii Dowladda ay xoojisay Dagaalada Dalka looga xoreynaayo khawaarijta, isagoo ugu dambeyn Baaq u diray Saaxibadiisa kale ee ku jira wali Khawariijta in ay isaga soo baxaan ay isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.
Khawaarijta ย arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa xiligaan wajahayo dhibaatooyin kala duwan kadib markii dhinac walba ay dowladda oo Shacabkeeda kaashaneysa ay ka goโdoomiyeen, taasi oo sababatay in maalin walba xubno ka tirsan khawaarijta ay isku soo dhiibaan dowladda.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka ayaa deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ka wada howlgallo looga sifeeynayo khawaarijta, iyagoo deeganadaasi ay iska soo dhiibeen xubno badan oo ka tirsanaa khawaarijta, kuwaasi oo ay dowladdu ku xareeysa Xarumihii dhaqan celinta ee loogu talagalay, taasi oo ay macnaheedu tahay โha lagaa nabad galo adna nabadgalโ, waa barnaamij ay waddo Xaruunta ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan.