MUQDISHO-(SONNA)-Kulan Wadatashi iyo Aqoon –Isweedaarsi isugu jiray isla markaana ay soo agaasintay Xarunta Heerka-Sare ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka ee Urur Gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Ayaa manata ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxanaa ka soo qeyb-galay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Ururada bulsahda Rayidka, Jaamacadaha iyo kubarada ka shaqeeyo Isbeddalka Cimilada.
Ujeeddada guud ee aqoon-is-weydaarsigan ayaa ah ka qaybgelka daneeyayaasha, khubarada farsamada, ka wada-hadlidda istaraatiijiyada la qabsiga cimilada ee gobolka si waafaqsan heer Gobol ama Caalami ah iyo Siyaasadaha qaranka ee dawladaha xubnaha ka ah IGAD. Waxaa kale oo wadatashigaan uu iftiiminayaa xeeladaha loogu talagalay in si wax-ku -ool ah looga jawaabo khataraha isbeddelka cimilada, Iyada oo diiradda la saaraayo wada-hadallada waxtar u naqon doona cimilada gobolka, xubnaha mudnaanta la qabsiga si loo xoojiyo Istaraatiijiyadda la qabsiga Cimillada gobolka.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qeexay ahmiyadda ballaaran ee uu leeyahay wadatashiyga nuucaa oo kale ah,iyo in dadweynuhu kaallin xooggan ku yeeashaan Istaarajiyadda La-qabsiga Isbeddalka Cimilada heerka Gobal ah.
“Waxaan codadkooda siin doonnaa dadweynaha si ay qeyb uga noqdaan ilaalinta deegaanka heer gobal iyo Calami ah, sidoo kalana ay IGAD ku bogooaadinayaan dadaallada ay waddo ee ah ka hortagga ilaalinta xaalufinta deegaanka.”-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Mudane Axmed Yuusuf Axmed.
Dhanka kale, dadaallada ilaalinta ee dalalka ku midoobay IGAD ee kala ah; Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Uganda ayaa Hadafkooda oo wadajira yahay in Xaruntu laga taageero u diyaargarowga La-qabsiga dhaqamada maaraynta deegaanka ee waara iyo xalalka laqabsiga ku haboon ee Isbadalka Cimallada gobolka.
“In la ballaariyo ka qeybgalka dadweynaha ee la dagaallanka xaalufinta deegaanka waa muhiim si loo kordhiyo wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka, IGAD ayaa u taagan markastaba ilaalinta deegaanka, annaga waan ku garabtaagannahay”. -Agaasimaha Wasaaradda Beeraha XFS Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud
Madaxa Mashaariicda Laqabsiga Xarunta heerka-Sare ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka ee Urur gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi ayaa qeexay muhiimada u leedahay Istaraatijiiyadu La-qabsiga Isbadlaka Cimilada guud ahaan Gobalka iyo Heerk Qaran.
“Xalka mushkiladaha hadda jira ee ka dhashay isbeddelka cilmilada waa kuwo xal u baahan, sidoo kale waa in ay fahmaan dadkeennu saameynta cimilada, waxaan ku dadaali doonnaa in aan xal u helno mushkiladaha ka dhashay isbeddelka cimilada, annaaga oo garab iyo taageero ka helayna (IGAD-CAEP) oo waqtiga badan ku bixisa xal u helidda isbeddelka Cimilada”. Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi – X. La-qabsiga Isbadalka Cimilada IGAD
Urur gobaleedka IGAD oo ay ku midaysanyihiin Siddeed dal ayaa aaminsan in isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee gobolka geeska haysto, taa oo ay lagama-maarmaan ay tahay in xal waara loo helo.