Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobta ku haboon (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobta ku haboon (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobta ku haboon (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 19, 2023
7 Min Read
Share

Degmada Galhareeri ee Gobolka Galguduud ayay Khawaarijta haatan u tahay xarun weyn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan, balse Ciidamada Xoogga dalka Soomaalieed ayaa cagta mariyay goobahaasi muhiimka u ahaa khawaarijta, waxaana uu howlgalkaan uu qeyb ka ahaa hawlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta, kuna beegsanayaan saadkooda iyo isku socodka Khawaarijta, iyadoo jabkii ugu dambeeyay ay ciidamada dowladdu ku gaarsiiyeen Deegaanka Buq-aqable, waxaana halkaasi lagu bur-buriyay in ka badan 30 gawaarida Dagaalka ah iyo dhimisho dhaqarqabayaal badan, taasi oo loola jeedo in la wiiqo awoodda Kooxda.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa inuu dhaco guluf dhinacyo badan ah ee ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo ay si wadajir ah uga wada qeybqaadanayaan ama iska wada kaashanayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Deegaannada (Macaawisleey), Wadamada Deriska ama (safka hore) iyo Saaxiibada Caalamka , kaasi oo ujeedku yahay soo afjaridda dagaalka Wejigiisa 1-aad ee Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri sida ugu dhaqsiyaha badan ama 72 saacadood gudahood, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana la soo gaaray xilligii Khawaarijta Al-shabaab uga dhammaan laheyd deegaannada Maamul-goboleedyda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh โ€œWaxaa iga goโ€™an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaanโ€, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay suโ€™aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaannada laga xoreynayo Argagixisada, isaga oo magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay suโ€™aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kadib xoreynta dalka.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay suโ€™aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaannada laga xoreynayo Argagixisada, โ€œ Shabaab nala gaari mayo 2 sano, in ka yar ayaan ayaan fileynaa in lagu so oaf jaroโ€, ayuu sii raaciyay Madaxwenaha.

โ€œDowladda dhinaca dagaalka khawaarijta kaliya kuma jirtee, gacan waa ku dagaalameysaa, gacanna Ciidanka ayay ku dhiseysaa, waxaa kaloo jira dib habeynta Maaliyadda iyo Deyn cafinta, qaadista cunaqabateynta Hubka, ย kuwaasi oo dhammaantood qabsoomi doona dhammaadka sanadkan, waxaa dhinac socda qorshayaal badan sida horumarinta Waxbarashada Dalka, horumarinta adeegyada caafimaad iyo la dagaalanka Musuqmasuqaโ€, ayuu yiri Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu ka jawaabaayay suโ€™aal aheyd Dagaal kaliya miyay ku jirtaa Dowladda?.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka qeybgalay dood suโ€™aalo waydiin ah ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in sidoo kale fikir ahaan loola dagaalami doono, โ€œKhaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa Fikirka, marka uu dhamaado kan Militeriga, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaaโ€ ayuu sii raaciyayย  Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh. โ€œโ€œWaxaa iga goโ€™an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horeyba u tegay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo,ย  iyadoo Wiilal dhallinyaro ah ay naftooda hurayaanโ€. ayuu yiri Madaxweynaha.

โ€œWaxaan rabaa in aan wax yar ka iraahado dagaalkaas,waxaan ku bilaabaya in aan boggaadiyo talaabada geesinimada leh ee u qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ย Xasan Sheekh ee hoggaaminta leh, hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobo ku haboon oo ay degaan oo si xirfadeysan oo xigmadaysan ugu hoggaamiya, si ay u gaaran iyagoo nabad ah,waa Oday Soomaaliyeed oo aan dan gaar ah ka laheyn dalkaan, balse ay ka goโ€™aan tahay in u arko dalkiisa oo xor ah gumeysiga ay ku hayeen Khaaarijta Mudda dheerna ay iska dulqaadeen dadkiisuโ€, sidaasina waxaa yiri Xamse Cabdi Barre Raiisulwaasraha XFS.

โ€œ waa hoggaamiye doonaya inuu arko Dalkeenna oo ka xor ah 5 Bilyan oo Doolar oo Deyn ah oo ah Ribo dul saar ah, inuu arko Dalkeenna oo ka xor ah Khawaarijta, Dadkeenna oo xor ka ah Qabyaaladda, inuu arko Dastuur dhameystiran, Dadkiisa oo ka horumaray dhaqaale ahaan iyo Bulsho ahaanba iyo Dadkiisa iyo Dalkiisa oo sharaf ku dhex leh Caalamka, waxaan kaloo bogaadinayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee wada dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ciidankoda la daba taagan taakulenta iyo dhiirigalintaโ€, ayuu sii raaciyay mudane Xamsa Cabdi Barre.

Raiisulwasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyay mar uu shir-guddoominayay shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maalintii Khamiista aheyd, wuxuuna faray dhammaan Wasaaradaha iyo dhammaan heyโ€™adaha dowladda inay ka qeyb qaataan halganka lagu ciribritayo Khawaariijta, Shacabka Soomaaliyeedna ay garab istaagaan oo ay qeybtooda ka qaataan jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka lagu xoreynayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga dhameystirka Wejiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka Wejigiisa labaad ah ee lagu dhameystirayo haraadiga kooxda Argagixisada ah ee khawaarijta ah ee Alshabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekhโ€™โ€™ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabadโ€™โ€™

Daarusalaam,(SONNA):- ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada…

GudahaWararka
February 8, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday AUN Marxuun Maxamed Cumar Saalixi “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum…

GudahaWararka
September 3, 2021

Madaxda dowladda qaarkood oo ka qaybgalay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas

Muqdisho (SONNA) Raโ€™iisul Waaaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka…

GudahaWararka
October 2, 2023

Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-saxaafadeed

Baydhabo-(SONNA)-Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka,…

GudahaWararka
February 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023