Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose
GudahaWararka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 19, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA):- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga waddada isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlgalkan oo ay wadajir u hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ibraahim Barre, taliyaha ururka 64-aad iyo abaanduulaha ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Danab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada ku xeeran degmada Wala-weyne ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye Barre iyo saraakiisha ciidan ee horkacayay howlgalka ayaa xog-wareystay shacabka ku dhaqan Tuulooyinka ay ciidanku gaareen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faafin ka bixiyay bartilmeedka howlgalka, wuxuuna guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in howlgalkan uu daaran yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

” Howlgal lagu baacsanayo nimankan nabad-diidka ah, ummadda Soomaaliyeed dhibaato weyn ku hayaan, baaqa ay soo keediyeen madaxda qaranka iyo kuwa heer Dowlad gobolleed ee ku aadan in Khawaarijta lala dagaallamo lagana xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin qaasatan Kooonfur Galbeed, anagana waxaan diyaar u nahay reer Shabeellaha hoose inaan xoreyntaas qeybta ugu weyn ka qaadanno,” ayuu yiri guddoomiye Barre.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ka socday howlgallo ka dhanka Khawaarijta, kuwaas oo lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo Bulshada gobolkaas muddo badan dhibaato ku hayay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo “Argagixisadu waxay u xasuuqeen shacabka cadawtinnimo ay u hayaan horumarka dalka”

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee…

Wararka
December 28, 2019

Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)

Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoogagga dib u xoreynta, Wadamada Safka hore iyo saaxiibada Caalamka ayaa waxa ay si toos ah…

GudahaMaqaallada
August 16, 2023

Argagixisada Al-shabaab oo dad shacab ah ku dilay Sh.Hoose

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyada argagixisada Alshababa oo ku caan baxday daadinta dhiiga shacabka ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Sablaale…

Wararka
January 13, 2020

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka…

GudahaWararka
August 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023