Adis Ababa,( SONNNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa,ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaradaha kala duwan ee Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada dalka, kuwaas oo shaqo Qaran u jooga dalkan Ethiopia.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib Heshiisiinta XFS, Mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa Safiirku waxa uu warbixin kooban ka siiyay hawlaha diplomaasiyadeed iyo kuwo bulsho ee ay safaaraddu u hayso oo wakillka uga tahay Dawladda Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Ethiopia, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen arrimahaas iyo adeeg-yada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Caydaruus Macalin ayaa Safiir Warfaa uga xog waramay safarka ay wafdiga uu hogaaminayo kusoo gaareen dalka Ethiopia, isagoo tilmaamay inay Addis Ababa u joogaan arrimo shaqo oo la xiriira masuuliyadaha ay u hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ka warbixiyay hawlo muhiimad weyn u leh Qaranka Soomaaliyeed oo doonayaan inay khibradooda la wadaagaan Diplomaasiyiinta safaaradaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horeeyaan arrimaha dad dhigista *Civil registration* iyo bixinta aqoonsiga dadweynaha “National ID” Hawlaha dad dhigista ayuu sheegay inay ka mid tahay bixinta shahaadooyinka dhalashada, dhimashada, guurka ilma korsashada iyo furiinka oo meel fiican u mareysa wasaarada iyo sidii loo heli lahaa diiwaangalin casri ah oo mideysan taasoo ka dhaqangasha dhamaan dagmooyinka dalka iyo safaaradaha dalalka ay Soomaalidu ku noolyihiin.
Wafdigan oo uu kamid yahay maareeyaha Hayโadda aqoonsiga iyo diiwangalinta qaranka NIRAย (National Identification and Registration Authority) Cabdiweli Cali Timacaddeย ayaa safiirka uga warbixiyay halka ay marayan dedaalada dhismaha Hayโadda isagoo sheegay in dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono bixinta aqoonsiga dadweynaha.
Wafdigan ayaa joogi doona Ethiopia maalmo kooban, waxayna dib ugu laaban doonaan Caasimadda dalka ee Muqdisho kadib marka ay u dhamaadaan hawlaha Qaran ee ay u joogaan Addis Ababa.