Addis Ababa (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa kulan soo dhoweyn iyo dhiiri-gelin ah ugu sameeyay xafiiska safiirka orodyahanada Soomaaliyeed ee sanadihii la soo dhaafay iyo bilihii u danbeeyeyba guulo heer Qaran ah uga soo hooyey Jamhuuriyadda Soomaaliya tartanada ciyaaraha Olombikada caalamka iyo kuwa Afrika.
Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xusay in orodyahanada kala ah Cali Iidow Xasan iyo Cabdullaahi Jaamac Maxamed ay muujiyeen dadaal dheeraad ah oo Soomaaliya magaceeda sare u qaadaya, lagana filayo inay guulo waaweyn soo hooyaan, sidaa darteedna ay safaaraddu ku maamuustay shahaado sharaftan.