ADDIS ABABA-(SONNA)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane, Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey dhigiisa Jamhuuriyadda Azerbaijan Ambassador , Ruslan Nasibov.
Labada danjire waxaa kulanka kala qayb galay Shaafici Nuur Calas safiir ku xigeenka safaaradda JFS ee arrimaha Midowga Africa iyo UNECA. Sidoo kale Ambassador Ruslan ayaa Ambsaddor Warfaa uga mahad-celiyay sida diiran ee uu ugu soo dhoweeyey Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Addis Ababa.
Danjire Warfaa ayaa dhiggiisa Azerbijan uga xog waramay arrimaha ay Jamhuuriyadda Soomaaliya horumarka ka gaartay oo ay kamid yihiin adkaynta ammaanka, la dagaalanka Shabaab, arrimaha dayn-cafinta iyo kor u qaadista adeegga arrimaha bulshada oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay guulo badan kasoo hoysay.
Kulankan ayaa daba socday is af-garad MOU ah oo 06 July 2023 ay caasimadda Azerbijan ee Baku ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, kaasoo salka ku hayay iskaashiga labada waddan ee arrimaha siyaasadda iyo horumarka, waxaana la isku afgartay in si dhow loola socdo fulinta qodobadii ku qeexnaa is afgaradkaas.
Sidoo kale, labada danjire waxay ka wada hadleen oo is-fahan buuxa ka gaareen dar-dargelinta iyo kor u qaadista taba-barada iyo deeqaha waxbarasho ee ay Jamhuuriyadda Azerbaijan siiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.