Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 16, 2023
6 Min Read
Share

1-Hawlgalada milateri ee dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo si habsami ah uga socda gobollada dhexe ee dalka, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo hoyeen guulo hor leh.

2-Beelaha ku dhaqan gobollada dhexe oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ballanqaadey inay si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, mar uu Madaxweynaha beelahaasi kula kulmey magaalada Dhuusamareeb.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing ee Soomaaliya qorshaha xasilinta deegaannada la xoreeyay.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku adkeeyay shacabka Galmudug inay gacan weyn ka geystaan dhameystirka haraadiga Khawaarijta ee gobollada dhexe ku sugan, mar uu ka hadlayey xafladda sannad guurada 17aad ee aasaaska Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb.

5-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jarey laanta cusub ee Banguga Dhexe ee Soomaaliya ee magaalada Dhuusamareeb.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Wasiirada Galmudug kula dardaarmey dardar gelinta dagaalka ka dhanka khawaarijta.

7-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la dardaarmey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya hawlgalada lagu xoreynayo degmooyinka Galhareeri iyo Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

8-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran la Dagaalanka Fikirka Xag Jirka ah eeTubsan.

9-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley xaflad lagu soo bandhigayey sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaatey gudashada Xajka ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Xajka.

10- Raโ€™iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galey kulan waxbarasho, sheegayna in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xgeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Muqdisho laga dhisayo.

12-Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

13-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.

14-Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay inta badan saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jirtay ee inta u dhaxaysa gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

15-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa Degmada Galcad ee Galgaduud ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Ciidanka Kumaandooska Danab oo deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

17-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Buulo Fulaay ee Gobalka Bay ku dilay 23 maliishiyaad oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

18-Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Muqdishoย  ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo watayย  gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa

19- Madaxweynaha Hirshabelle Mudaneย  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle.

20-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku saabsan abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

21- Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin Khawaarijta in ay ka fogaadaan meelaha ay gabbaadka ka dhiganayaan cadowga.

22-Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka dhacay ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku aaddan xoojinta iyo horumarinta hayโ€™adaha dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

23- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrimo la xiriira ceymiska xoolaha dalka.

24-Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga duulista hawada ee labada dal.

25-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha Kaluumeysiga ee Dowlad Goboleedyada dalka.

26-Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa hortagay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka si suโ€™aalo loo weydiiyo.

27-Laba Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay iidanka dowladda ee ku sugan Diinsoor.

28-Ciidanka Booliska ee Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay eedeysane dil u geystey ganacsade caan ah.

29-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa magaalada Dhuusamareb ka furay Shirka Madasha Arrimaha Biniโ€™aadamnimada ee Galmudug..

30-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad musuqmaasuq oo loo heysto saraakiil ka tirsan hayโ€™adaha dowladda.

31-Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 10-sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo dhagar kale ku qaraabanayay.ย ย ย  ย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka oo ansixiyayย miisaaniyadda 2025

Muqdisho(SONNA);-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ah ansixiyayย Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025.…

GudahaWararka
November 4, 2024

Webiga Shabeelle oo ku fatahay degaanno ka tirsan Balcad

Jowhar-(SONNA)-Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyinka Jameeco, Farbarako, Faydhuxul, Damalley, Bulo Xaaji iyo degaanno kale oo dhammaantood hoos taga Degmada…

Wararka
July 11, 2020

Hey’adda Maareynta Masiibooyinkaย oo Muqdisho soo gaarsiisay dad ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Laascaanood

Muqdisho (SONNA) Hey'adda Maareynta Masiibooyinkaย  Qaranka ayaa Caawa Muqdisho soo gaarsiisay markale Qaar kamid ah dadkii dhawacyada culus ka soo…

GudahaWararka
February 12, 2023

Golaha naafada Qaranka oo wada-tashi looga hadlayey Qabyo-Qoraalka sharciga naafada ku soo gabogabeeyey magaalada Samo-reeb โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Kulankaan oo muddo seddex maalmood ah ka socanayey magaalada Samoreeb ee xarunta Galmudug ayaa ku saabsanaa wada-tashiga qabyo qoraalka…

Wararka
September 10, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023