MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, halkan Ibraahim Aadan Ibraahim isna uu u magacaabay Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan.
Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.
- Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
- Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan