Muqdisho(SONNA);-Ra”iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo markii ugu horeysay ay si gaar ah u yeelanayso
Munaasabadda dhagax dhiga oo uu goob joog ahaa wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhismaha xaruntaan ay baahi weyn u qabto wasaaradda,si bulshada loogu adeego.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorsha ay ugu jirtay in la dhiso dhismo hab casri ah loo dhisayo oo ay yeelato wasaaradda,si isku tashi ah ay u dhisaneeyso iyadoo aan cidnna wax loo weydiinin.
Wasiir Muqtaar Roobow” Lacag dhan 1Million iyo 150,000 kun ayaan u haynaaa Dhismaha wasaaradda oo aan cid kale naga caawin,waxaan beeqaamsanay xoogaa yerkii aan lahayn”
Ra’iisul wasaara ku xigeenka Xukuumadda federaalka soomaaliya Saalax Axmed Jaamca oo dhagax dhigay dhismaha wasaaradda ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay lafdhabar u tahay dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo muhiimna ay tahay in ay hesho dhismo u gaar oo ay ku shaqeyso.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa hadda PA dagan Wasaaraddaย Cadaaladda soomaaliya