Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Catriona Laing “joogitaanka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka dhigan farriin xoojinaysa xoreynta” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Catriona Laing “joogitaanka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka dhigan farriin xoojinaysa xoreynta” (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Catriona Laing “joogitaanka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka dhigan farriin xoojinaysa xoreynta” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 13, 2023
7 Min Read
Share

Abaabulkii ugu dambeeyay ee ku aadan dib u xoreynta Deegaananada ay wali kaga harsan yihii Gobolka Galguduud ayaa waxaa haddana soo baxaya in Kooxda Khawaarijtu ay talo ku caddaatay ayna heysato laba daran mid dooro, waxayna sii kordhiyeen cadaadiskii ay ku hayeen Dadka ku dhaqan deegaannadaasi, iyagoo bilaabay inay ka qaadaan Xoolo baad ah, ku qasbid inay u dagaalamaan iyo dil u geysasho ciddii diidda amarkooda, iyadoo la soo sheegayo inay Deegaanka Cowsweyne ee Degmada Ceeldheer ay ku dileen Gabar, halka Odey waayeel ahna ku dhaawaceen, kadib markii ay diideen Amarkooda.

Wararka laga helayo deegaanka Coosweyne ee hoos taga degmada Ceeldheer  iyo degannada u dhow in ay dadka Shacabka ah ay ku amreen in maanta oo Axad ah ay isaga soo baxaan halkaasi,  si looga dhigo in ay taageersan yihiin khawaarijta, waxaa kaloo jirta in odayaasha deegaanka ay u qeybiyeen Hub, kadibna ay isku sawiraan, iyadoo dadka deegaanka oo ka hor yimid arrintaasi ay khawaarijtu dil u geysteen qof Dumar ah, halka mid kalana ay dhaawaceen, waxaana haadtan kacsan xaaladda Deegaanaka Cowsweyne, arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda Khawaarijta u arkaya Gulufka colaadeed ee ku soo wajahan ayay dadka shacabka ee ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin ku amrayo in ay dagaalamaan, balsa shacabka oo ku baraarugsan dhagarta kooxda ayaa diiday in caruurtooda iyo iyaga laftooda ay ka bar-bar dagaalamaan khawaarijta.

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Nabadoonnada Galmudug oo ka hadlaayay halganka loogu jiro dib u xoreynta Deegaannada Ceelbuur iyo Galhareeri iyo kuwa ku xeeran ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay halgankaasi, ” anigoo Da’ ah ayaan waxaan ballan qaadayaa in aan Magaalada Muqdisho dib ugu laaban doonin ilaa aan ka xoreeyo Deegaananada aan ka soo jeedo ama aan ku dhinto, Madaxweynaha Dalka ayaanba Muqdisho iyo xafiiskiisa ku laaban doonin ilaa uu hubiyo xoreynta Magaalooyinkaasi, marka aniga maxaa ii diidaya in aan go’aankaasi qaato”, sidaasi waxaa yiri Nabadoonka.

Khawaarijta ayaa Gobolka Galguduud ka sugan laba degmo oo kala ah Ceelbuur iyo Galhareeri, waxaana ku soo wajahan weerar 4 jiho ah, marka maxaa la gudboon?, “Haraadiga Khawaarijta Galmudug ku harey 2 waddo Midkood un baa u furan; is-dhiibid ama is-daldalid. Calanka Qaranka mar dhow dhul ballaaran ayaa laga taagi doonaa, Insha Allaah. Afkhawaarijna waa la arkay”, sidaasi waxaa yiri Cabdulqaadir Maxasmed Nuur Jaamac Wasiirka Gashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba Af-khawaarij muxuu sharcigu ka qabaa ama xukunkiisu yahay? Wax ka baro Qodobka ka mid ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliya.Qodobka 208.

Jebin siyaasadeed.

  1. Qofkasta oo wakhti dagaal fidiya ama xiriiriya been, buunbuuniya ama fidiya marin habaabin ama war, kaas oo abuuri kara argagax shacbi ama niyad jab, ama haddii kale yaraynaya adkaysiga ummadda ee cadowga, ama wax kasta oo kale sameeya wax dhaawacaya danta ummadda waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno;
  2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig aan ka yarayn shan iyo toban sanno (15):
  3. Marka falka lagu galay hab dacaayadeed ama is gaadhsiin lagu hagaajinayay askarta.
  4. Marka falka la galay yahay natiijo sirdoon cadaw.

Wasiir Fiqi “Sida Al Shabaaab oo kale Dad u dhaqma ayaa jira oo soo dhiga askriga la dila meel walba baraha bulshada ayeyna ka qeel-qeeliyaan waxaana naga go’an in aan kuwaaasi gacan saarno “, sidaasi waxaa yiri:-  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Feseraalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi.

Dhinaca kale Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose, kadib markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Khawaarij ah ay si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayaan beero ku yaalla deegaanadaas.

Faahfaahin hordhac ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Basra oo ku yaalla inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe,  kaasoo dhaxmaray ciidamada Dowladda iyo kuwa kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab, iyadoo wararka ay sheegay in dirirtaan ayaa soo baxday kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ay weerareen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Basra, Dagaalka ayaa Dadka degaanku ku sheegeen inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid kooxda Argagixisada, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen, ayna ku dileen 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta howlgalkaan sida saraakiil ka tirsan ciidanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka, waxayna intaasi ku dareen in goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Khawaarijta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing, waxayna Ergeyga ka wada hadleen qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboollada Argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag, isagoo la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo Argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaannada Galmudug, kaasi oo hadafkiisu yahay in laga sifeeyo degaannada ay wali ku harsan yihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka Argagixisada, waxa ayna tilmaantay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay Argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo badbaadisay dagaalka ka socda Sudan

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa 9 muwaadiniin ah oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan ka soo dejisay Muqdisho. Muwaadiintaan…

GudahaWararka
May 14, 2023

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo la kulmay safiirka Maraykanka ee dalkaas

Nairobi (SONNA): Safiirka dowladda FS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka…

GudahaWararka
January 9, 2024

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo Shabeelaha hoose ka dhacay

Muqdisho (SONNA): Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey…

GudahaWararka
August 5, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay shir looga hadlayo doorka ay Culimadu ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay…

GudahaWararka
October 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023