Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb
    January 31, 2026
    DEG DEG: Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    January 31, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Munaasabad kagu taageerayay maamulka W/Bari kaga qeyb galay London
    January 31, 2026
    Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka
    January 31, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 12, 2023
7 Min Read
Share

Deegaannada hoos yimaada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa todobaadkaan waxaa ka socday abaabul, kaasi oo la doonayo in dib loogu xoreeyo Magaalooyin ka tirsan Gobolka Galgudud oo wali ku harsanaa gacanta Kooxda Khawaarijta ah, sidaasi awgeed ayay Ciidamo is-abaabulay oo dadka deegaanka ah, una diyaarsan ka qeyb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa ย lagu soo bandhigay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidamada loo yaqaan Macaawisleeyda hore loogu soo bandhigay Deedaannada Guri-ceel, Dhabbad, iyo duleedka Dhuusamareeb, kuwaasi oo dhammaantood ujeedkoodu yahay inay diyaar u yihiin dib xoreynta Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Waxaa kaloo jira in Ciidan la isaga kala keenay deegaannada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb ilaa Xarardheere ayaa waxaa dhiirigelin ugu tegay masuuliyiin ka kala tirsan Goleyaasha dowladda federaalka, dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo Masuuliyiinta iyo saraakiisha ay ciidanka kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan dagaalka xaqa ah ee cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo dhulka Soomaaliya, dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidanka is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan ciribtirka Khawaarijta Deegaannada Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya degaanno hoos taga Degmada Ceel buur ayaa la sheegay in Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhex maraayo Maleeshiyaad daacad u ah 2-Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare, iyadoo Wararka ay sheegayaan in Dagaalkaan uu u dhaxeeyo Maleeshiyaad kooxda Argagixisada ka wada tirsan oo Daacad u kala ah Mid Magacaciisa lagu sheegay Horjooge Xasan Cabdullaahi Cabdulle oo ka soo jeeda Ceel-garas halka kan kale la sheegay inuu ka soo jeedo Ceelbuur, dagaalkaan ayaa ka dhacaaya Tuulada lagu magacaabo Ceel meegag, wuxuuna dhaliyay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, ย inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Waa maxay sababta ay labadaasi khawaarij hubka isugu qaateen ayaan weydiinay falanqeeye arrimaha Kooxda Khawaarijta ah u dhuun-daloola โ€œ sida la sheegay waxa uu dagaalkoodu salka ka hayaa in kuwa ka soo jeeda Deegaanka Ceel-garas ay doonayeen inay ka soo goostaan khawaarijta, iskuna soo dhiibaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Baxdo, halka midka kalena uu diidanaa in laga baxo, marka taasi ayaa sabab u ah dagaalkoodaโ€, ayuu yiri.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa ย hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey) iyo Xildhibaan Cumar Cabdi iyo Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Gal-mudug, iyadoo ย Kulanka looga hadlay dardar gelinta dadaallada dib u xoreynta deegaannada Gal-mudug ee Khawaarijtu wali ku dhuumaaleysaneyso, waxaana la isku raacay in wadajir loola dagaalo cadawga ummadda Soomaaliyeed, waxaana la wada og yahay in Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, uu maalmahaan magaalada Dhuusamareeb ka waday abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada wali ku jirta gacanta cadawga.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa fasaxay kulamadii Golaha Wasiirrada Galmudug, isagoona faray in ay furimaha tagaan, kana qeybqaataan xoreynta Galmudug, waxaana kulankii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, kaais oo ka soo faaruqay kulamadii odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug uu baryahaan la lahaa, isagoo Madaxweyne Xasan uu saacadaha nagu soo aaddan ku dhawaaqi doono amar culus, kaasi oo ay ku dhaqaaqayaan ciidamada qalabka sida, maadama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qeyb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka, wuxuuna Madaxweynaha oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada, taas oo leh seddex Weji oo ku wajahan in kooxda lagala diriro dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo in lagu furo furimaha dagaalka ah mid Militari, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wejiga koowaad ee la dagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee masโ€™uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sida muuqata guulo waaweyn laga soo hooyay dagaaladdii lala galay Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, taasoo lagu jabiyay dhammaan goobihii la isku fara saaray.

Goor dhow ayay aheyd markii Ciidamada Qaranka oo hawlgal guulaystay ka fuliyay gudaha degmada Galhareeri ee gobalka Galguduud, taasi oo lagu beegsaday seddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen, iyadoo Howlgalka koowaad ayuu ka dhacay Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay todobo gaari oo yaalay Goobtaasi, iyadoo goobta labaadna lagu beegsaday meel ay u aheyd Bakhaarka hubka oo ay Khawaarijtu laheyd, kaasi oo isna la gubay, halka kan seddexaad u ahaa goob uu u yaalay qalabka caaafimaadka oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.

Degmada Galhareeri ayaa Khawaarijta u ah xarun weyn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan, balse Ciidamada Xoogga dalka Soomaalieed ayaa cagta mariyay goobahaasi muhiimka u ahaa khawaarijta, waxaana uu howlgalkaan uu qeyb ka ahaa hawlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta, kuna beegsanayaan saadkooda iyo isku socodka Khawaarijta.

Haddaba waxaa dhowaan la filayaa inuu dhaco guluf dhinacyo badan ah ee ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo ay si wadajir ah uga wada qeybqaadanayaan ama iska wada kaashanayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Deegaannada (Macaawisleey), Wadamada Deriska ama (safka hore) iyo Saaxiibada Caalamka , kaasi oo ujeedku yahay soo afjaridda dagaalka Wejigiisa 1-aad ee Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la soo gaaray xilligii Khawaarijta Al-shabaab uga dhammaan laheyd deegaannada Maamul-goboleedyda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maareeyaha guud ee HDRS; โ€œ Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay sameyso taariikh cusub.โ€

Muqdisho, (SONNA);-Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista Soomaaliya (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku dhowyahay inuu…

GudahaWararka
June 2, 2024

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2-aad oo ka qeybgalay daah furka bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada

Muqdisho(SONNA): โ€“ Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb-galay…

GudahaWararka
February 17, 2025

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida ee Degmada Baraawe oo qabtay dhagar qabe Miino Aasayay

Muqdisho(SONNA(:-Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Baraawe ayaa…

GudahaWararka
September 23, 2024

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo sheegay in daadadka ay xireen qaar kamid ah garoomada diyaaradaha dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ee XFSย  Xil.Ismaaciil Abdirahman Sh.Bashir oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in qaar kamid ah garoomada…

GudahaWararka
November 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023