Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Bulshada deegaanka Dhinowda oo wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka cimilada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bulshada deegaanka Dhinowda oo wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka cimilada
GudahaWararka

Bulshada deegaanka Dhinowda oo wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka cimilada

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 12, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Dhinowda waa magaalo dhacda bariga gobolka Mudug ee bartamaha Dalka, waanna deegaan hoostaga degmada Jariiban ee Dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Dhinowda, waxaa saameyn xooggan ku yeeshay isbeddelka cimilada oo ah arrimaha ugu waa weyn ee sannadihii la soo dhaafay dunida la daalla dhaceysay.

Magaaladan oo kulaasha Badweynta Hindiya, waxaa dhammaan duugmay guryihii ku yaallay deegaanka, sidoo kale dadkii degnaa ayaa badi isaga barakacay magaalada.

Warbaahinta qaranka oo u kuurgashay xaaladda deegaanka si ay Bulshada Soomaaliyeed ugu soo bandhigtay ayaa xaal wareysatay dadka deegaanka, iyagoo ka warbixiyay dhibaatada magaalada ka jirta.

Cawil sheekh Nuur oo ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Shinowda ee bariga gobolka Mudug ayaa ka waramay saameynta isbeddelka cimilada ku yeeshay deegaanka.

” Deegaanka waxaa ka dhacay labo waxyaabood abaar, abaarta markii ay dhacday waxay keentay geedihii in ay dhammaadaan dhulka boor ka kaco, waddooyinka in ay aasmaan, labadaas qeybood waxaa keentay abaarta, dad waxaa weeye aan meel aadi karin, dad waxaa weeye xooligii miyiga abaari ay ka qaadday, waxaan adduun weynaha u sheegayaa in dadkan Dhinowda maanta in ay xaalad adag haysato,”.

Isbeddelka cimilada ayaa saameyn aan wanaagsan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada Dhinowda ee bariga gobolka gobolka Mudug ee bartamaha Dalka.

Cabdiqaadir oo ka mid ah Jaaliyadda deegaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dadka iyo duunyada ku nool Dhinowda ay wajahayaan xaalad bini-aadanimo tii u darneyd.

” Hadda waxaan jooga qeyb ka mid ah magaalada oo la yiraahdo Diikooni, guryo badan sida Kaamirada ka arki doontaan baacad qariyay oo laga guuray oo baaba’ay baa meeshan kala kullanay, gediga kale ee barina waa laga soo barakacay oo bacaadka ayaa aad u saameeyay, dadka waxaad moodaa in ay dhinaca dhagaxa u baxeen, balse dhammaan guryihii deegaanka waa ay baaba’een,”.

Sidoo kale, Cabdiqaadir ayaa ugu baaqay hay’adaha maamulka iyo hay’adaha samafalka in ay gacan ka geystaan sidii dadka deegaanka oo xaalado adag wajahaya loogu gurman lahaa, islamarkaana loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin sida caafimaad, waxbarasho iyo hooy ay ka galaan dhaxanta habeenka iyo cadceedda maalintii.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xujey hor leh oo gaaray magaalada Maka Al-mukarama

Muqdisho,(SONNA):-Iyadoo wali ay socoto daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa Waxaa magaalada Barakeysan ee Madiina ka ambabaxay…

GudahaWararka
May 23, 2024

Guddoomiyaha aqalka sare oo qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub…

GudahaWararka
September 16, 2025

Ciidanka deegaanka Hiiraan oo la gaarsiiyay deeq ka kooban xoolo iyo raashin

Ciidanka deegaanka ee ku sugan gobolka Hiiraan ,isla markaana dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa helay gargaar isugu jiray xoolo nool…

Gudaha
March 14, 2025

Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Kulan howleedka shaqo ee astaynta awoodaha, kheyraad-wadaagga iyo nidaamka maaliyadeed ee Federaaleynta ee dib u-eegista dastuurka oo…

Wararka
February 9, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023