Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Ecuador Guillermo Lasso ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo 60 maalmood ah, taasoo jawaab u ah dilkii caasimadda Quito loogu geystay Fernando Villavicencio oo ahaa murashax madaxweynanimo.
Musharaxa Villavicencio oo ah 59 jir waxa uu ahaa nin si ย aad ah u dhaleeceeyay musuqmaasuqa iyo dambiyada abaabulan waxaana ย la dilay maalinimadii shalay xilli ay socdeen xaflado loo sameeyay ololahiisa.
“Ciidanka qalabka sida ayaa hadda la howlgaliyay si loo dammaanad qaado amniga muwaadiniinta, xasilloonida dalka iyo doorashooyinka soo socda oo la filayo in ay dhacdo 20-ka Agoosto,” sidaasi waxaa yiri madaxweyne Lasso.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Rabshadahaas ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan musharax u tartamayey golaha sharci dejinta iyo laba askari oo boolis ah.
โAad ayaan uga careysannahay oo aan uga naxay dilkii loo geystay musharax madaxweyne Fernando Villavicencio. Waxaanna tacsi u dirayaa xaaskiisa iyo gabdhihiisa,โ Lasso ayaa sidaa yiri.