Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika
    February 16, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar
    February 16, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta
    February 16, 2026
    Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan
    February 16, 2026
    Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha
    February 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)
Maqaallada

Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 10, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNNA):- Wararka ay warbaahinta qaranka ka heshay deegaannada iyo degmooyinka bariga gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in ay fashil ku dhammaadeen laguna kala tegay wada-hadallo xoog ahaa oo ay horjoogayaasha kooxda Khawaarijta Al-shabaab la yeesheen odayaasha dhaqanka deegaannada bariga gobolka Galguduud ee maamulka Galmudug.

Shirarkan lagu kala tegay, kullankii ugu dambeeyay wuxuu gelinkii dambe ee talaadadii ka dhacay degmada Ceelbuur, wuxuuna u dhaxeeyay odayaal ku wada abtirsada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo horjoogayaal ku heyb ah oo hal beel ka soo wada jeeda, waxayna horjoogayaasha ku guuldareysteen in horjoogayaasha ku qanciyaan in beel ahaan iyagoo u abaabulan ay ka dhinac dagaallamaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo dhowr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay deegaannadaas gumeysiga ku heystay.

Horjoogayaasha ayaa odayaasha dhaqan waxay hor-dhigeen labo arrimood oo midd ugu horeyso ay tahay in ay keennaa dhallinyaro magaca qabiilka ku socota oo u dagaallanta Al-shabaab iyo odayaashu qudhooda in ay dagaalka ka qeyb galaan iyo qodobka labaad ah oo ah in odayaasha dhaqanka dadka ay matelaan ee da’da ah ee ka soo jeeda Ceelbuur iyo Galhareeri laga soo uruuriyo lacago baad ah, maaddaama Khawaarijta Al-shabaab muddooyinkii ugu dambeeyay ay soo food-saartay dhaqaalo-daro aad u xooggan.

Catowga iyo beer-laxowsiga horjoogayaasha Al-shabaab ayaa ahaa in odayaasha ay ku qasban yihiin in ay deegaannadooda difaacdaan, maaddaana Khawaarijta u muuqdaan in aysan u babac dhigi karin cududda ciidan ee ku soo wajahan.

Warar lagu kalsoon yahay oo warbaahinta qaranka ay ka heshay Ceelbuur ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka reer Galhareeri ee kullanka ka qeyb galay ay ugu nasteexeeyeen horjoogayaasha Khawaarijta ee ku heybta ah in ay deegaanka isaga cararaan, maaddaama aysan heyn awood ay uga hortagaan gulufka ciidan ee ku soo wajahan, taas oo keentay in horjoogayasha qaarkood aad uga caroodaan, islamarkaana u hanjabaan odayaasha dhaqanka.

Gelinkii dambe ee habeenimada talaadada iyo subaxii arbacada, waxaa Ceelbuur ka huleelay horjoogayaasha Al-shabaab, iyagoo aan la ogeyn halka ay aadeen, waxaase la xaqiijiyay in ay naftooda kala baxsadeen deegaannadaas.

Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay sidan oo kale ukala boodeen odayaasha dhaqanka bariga gobolka Galgaduud qaarkood iyo horjoogayaasha ku heybta ah ee ka soo jeeda Ceelbuur, Ceelgaras, Xiindheere iyo Garable. Wallow markaas ka dib la xir xiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka uuna soo xiray horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla Xiindheere.

Waxaa muuqata in markan uu soo gaba-gaboobayo joogitaan ku dhisnaa cabsi iyo gumaad shacab oo inta badan toban sanno maleeshiyada kooxda Khawaarijta Al-shabaab ku hayeen dadka ku dhaqan deegaannada bariga gobolka Galgaduud, iyadoo cabsi soo food-saartay horjoogayaasha Khawaarijtu keentay in ay inta badan isaga cararaan deegaannadaas.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Addis Ababa (SONNA): Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad…

February 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Dhuusamareeb lagu soo gagabeeyay Shirkii 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uga socda Madaxda…

GudahaMaqaallada
August 29, 2023

“ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)

Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug ayaa dhawaan lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo…

GudahaMaqaallada
August 6, 2023

Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 30, 2024

‘Ninkii Aayad ku roon iyo Ninki Orod ku roon Allaya Owrtii’ (WARBIXIN)

“Soomaaliya waa xor cidda ay doonto ayay la heshiinee, cidna kala tashameyso, qofna kala tashan doono masiirkeena” sidaas waxaa kl…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023