Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)
Maqaallada

Khawaarijta Al-shabaab iyo Odayaasha dhaqanka bariga Galguduud oo kala tegay (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 10, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNNA):- Wararka ay warbaahinta qaranka ka heshay deegaannada iyo degmooyinka bariga gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in ay fashil ku dhammaadeen laguna kala tegay wada-hadallo xoog ahaa oo ay horjoogayaasha kooxda Khawaarijta Al-shabaab la yeesheen odayaasha dhaqanka deegaannada bariga gobolka Galguduud ee maamulka Galmudug.

Shirarkan lagu kala tegay, kullankii ugu dambeeyay wuxuu gelinkii dambe ee talaadadii ka dhacay degmada Ceelbuur, wuxuuna u dhaxeeyay odayaal ku wada abtirsada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo horjoogayaal ku heyb ah oo hal beel ka soo wada jeeda, waxayna horjoogayaasha ku guuldareysteen in horjoogayaasha ku qanciyaan in beel ahaan iyagoo u abaabulan ay ka dhinac dagaallamaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo dhowr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay deegaannadaas gumeysiga ku heystay.

Horjoogayaasha ayaa odayaasha dhaqan waxay hor-dhigeen labo arrimood oo midd ugu horeyso ay tahay in ay keennaa dhallinyaro magaca qabiilka ku socota oo u dagaallanta Al-shabaab iyo odayaashu qudhooda in ay dagaalka ka qeyb galaan iyo qodobka labaad ah oo ah in odayaasha dhaqanka dadka ay matelaan ee da’da ah ee ka soo jeeda Ceelbuur iyo Galhareeri laga soo uruuriyo lacago baad ah, maaddaama Khawaarijta Al-shabaab muddooyinkii ugu dambeeyay ay soo food-saartay dhaqaalo-daro aad u xooggan.

Catowga iyo beer-laxowsiga horjoogayaasha Al-shabaab ayaa ahaa in odayaasha ay ku qasban yihiin in ay deegaannadooda difaacdaan, maaddaana Khawaarijta u muuqdaan in aysan u babac dhigi karin cududda ciidan ee ku soo wajahan.

Warar lagu kalsoon yahay oo warbaahinta qaranka ay ka heshay Ceelbuur ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka reer Galhareeri ee kullanka ka qeyb galay ay ugu nasteexeeyeen horjoogayaasha Khawaarijta ee ku heybta ah in ay deegaanka isaga cararaan, maaddaama aysan heyn awood ay uga hortagaan gulufka ciidan ee ku soo wajahan, taas oo keentay in horjoogayasha qaarkood aad uga caroodaan, islamarkaana u hanjabaan odayaasha dhaqanka.

Gelinkii dambe ee habeenimada talaadada iyo subaxii arbacada, waxaa Ceelbuur ka huleelay horjoogayaasha Al-shabaab, iyagoo aan la ogeyn halka ay aadeen, waxaase la xaqiijiyay in ay naftooda kala baxsadeen deegaannadaas.

Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay sidan oo kale ukala boodeen odayaasha dhaqanka bariga gobolka Galgaduud qaarkood iyo horjoogayaasha ku heybta ah ee ka soo jeeda Ceelbuur, Ceelgaras, Xiindheere iyo Garable. Wallow markaas ka dib la xir xiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka uuna soo xiray horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla Xiindheere.

Waxaa muuqata in markan uu soo gaba-gaboobayo joogitaan ku dhisnaa cabsi iyo gumaad shacab oo inta badan toban sanno maleeshiyada kooxda Khawaarijta Al-shabaab ku hayeen dadka ku dhaqan deegaannada bariga gobolka Galgaduud, iyadoo cabsi soo food-saartay horjoogayaasha Khawaarijtu keentay in ay inta badan isaga cararaan deegaannadaas.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?

Ku guuleysiga kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxay muhiim ugu tahay Jabuuti sababaha soo socda:- 1- Saameynta iyo Hoggaaminta:…

GudahaMaqaalladaWararka
February 16, 2025

Cadaala “Gurigoodu waa godkaas, Ceelkoodu waa bacdaas, cuntadana ka sii daran” (WARBIXIN)

Wali waxaa socda abaabul ciidan ee ka kala socda Degmooyinka uu ka kooba yahay Maamul-goboleedka Galmudug ayay Degmada Caabudwaaq ee…

GudahaMaqaallada
August 21, 2023

Howlgalka wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta iyo waxa uu ka duwan yahay wajigii kowaad. (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Dowlad iyo shacabka markan waxaa loo diyaargarow bayaa bilaabashada wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, kaas oo lagu baabi’inayo jiritaankood.…

Maqaallada
April 8, 2023

Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo Khawaarijta jab xooggan…

GudahaMaqaallada
September 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023