Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa u yeerida Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, warbixinta akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo marka hore khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka uga cudur daartay maqnaanshihii daraad islamarkaana raali gelin ka bixiyay maadama Wasiirka loogu yeeray Shirka Amniga Qaranka. Dhanka kale Wasiirka ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay hindise sharciyeedka uu hor keenay Golaha.
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka aqbalay raali gelinta Wasiirka ayaa horay u galay ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 1-aad hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka, waxayna ka doodeen sidii laga yeeli lahaa sharcigaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in sharcigan la soo aqriyo isla-markaana Xoghayaha guud faray in hindise sharciyeedkaan ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.