Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka
    August 14, 2025
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka
    August 14, 2025
    Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: 1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab
GudahaWararka

1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 6, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Maxkamadda ciidamada qalabkan sidda ayaa soo gabagabeysay dhgeysiga dacwad loo heysto Xidigle/Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay inuu iibsaday labo qori oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidanada Booliska Soomaaliyeed, lacagta uu hubkaas ku iibsadayna wuxuu ku ciyaaray ciyaarta la yiraahdo “1XBET”.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Booliska ayaa tijaabiyay farsamo ugub ah waana u meel-martay, sida uu eedeysanaha ka hor qirtay Maxkamadda.

Shaxdan si aadan ugu wareerin bal hadda si wanaagsan u dhugo sheekadan, Xidigle Maxamed Tahliil Cabdi oo ah Baare hay’adda dambi baarista C.I.D-da ka tirsan, ma diidana in shacab iyo ciidanba isku dulmaray, wuxuu lahaa yool ah ka guul gaarista ciyaaraha kasiinooyinka ee online lagu soo daray.

” Mudane Garsoore waa jirta qorshaha inaan qaatay, waxaa ku soo haray lacagta aad sheegeysid afarta boqol ee dollar iyo saddexda boqol, labo iyo labaatanka dollar ah, lacagta dhammaan ma wada qabo qaar ayaa ka qabaa lacagtaas,” ayuu yiri Xididg Maxamed Tahliil Cabdi oo maxkamadda ka hor hadlayay.

Haddaba, Game-ka 1XBET, sharaxaad kooban hanaga siiyo Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

” Mudane guddoomiye eedeysanaha wuxuu isticmaalaa aaladda loo yaqaano 1XBET, application-kaas teleefoonada ayuu ku jira, waxaa loogu talagalay qamiirkii lagu ciyaari jiray kasiinooyinka iyo baararka ayaa teleefonka lagu shubay, waxaa loogu talagalay in qof kasta Mobile-kiisa ka isticmaalo,aplication-kaas guddoomiye waxaa lagu ciyaaraa Game-man lacago lagu helo,sidoo kale waxaa la saadaaliyaa ciyaaraha, kooxdan ayaa badineyso iyo kooxdan ayaa badineyso, waxaas waa waxa lacagta laga helo,”.

Baaraha kiiskan ayaa garsoorka ciidamada qalabka sida uga sheekeeyay sida ay isugu xiran yihiin farqaha dambi ee eedeysanuhu u xiran yahay.

” Sidoo kale, waxaa cadeyman ka qornay oo aan wareysanay guddoomiye maamulaha Hotel ka “New Fatxi”, wuxuu noo sheegay in eedeysanaha hotelkiisu soo degay uuna deggannaa muddo 7-cisho ah, inta uu degganaana uu yiri warqad Passapor oo magac laga beddelaayo anigaa kuu soo dhammeynaa uu lacag sidaas uga qaatay,lacagtaas oo gaareysay afar boqol oo dollar,”.

Inta badan dhallinyarada ayaa si aan caadi ahayn u isticmaala aaladdan, waxay da’yarta qaar ay rumeysan yihiin in shar iyo xoogaa faa’ido ahba wada xambaarsan yahay.

Xeer ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Maxkamadda weydiistay in laga gaaro kiiskan xukun adag si ay badbaado ugu noqoto badqabka hantida ciidanka iyo dhowrsanaantoodaba.

Dhankiisa, qareenka ayaa codsaday inaan lagu dheereyn, maaddaama eedeysanuhu qirsan yahay dambigiisa.

Ugu dambeyntii, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo xiray fadhigan maxkamadeed.

” Dhageysiga garmaqalka ka dhanka ahaa eedeysane Xidigle/Booliis Maxamed Tahliil Cabdi intaas ayuu ku egyahay maxkamadda ayaana go’aan ka soo saareysa, kiiskana waa inoo xiran yahay,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo lagu…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya…

GudahaWararka
November 17, 2024

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo cusub

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Waddo dhexmarta Degmada Dayniile gaar…

GudahaWararka
May 30, 2023

Wasaaradda Gargaarka XFS oo hayโ€™adaha ugu baaqay in loo gurmado dadka ay fatahaadu saameeyeen

Muqdisho.(SONNA)...Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado darran…

Wararka
July 22, 2020

Madaxweynihii Dalka Chad oo la dilay.

Chat (SONNA):-Ciidamada Chad ayaa Maanta oo Talaada ka shaaciyey telefishanka dawlada geerida Madaxweyne Idriss Dรฉby, kaddib dhaawac ka soo gaarey…

CaalamkaWararka
April 20, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023