Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug
    July 24, 2025
    Wasiirka Caddaaladda XFS iyo Majmaca Culimada oo ka wada hadlay la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta
    July 24, 2025
    Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo furay b๐š๐ง๐๐ก๐ขgga w๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š m๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐da s๐š๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ค๐š
    July 24, 2025
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta
GudahaMaqaalladaWararka

Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 5, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dardar gelineysa dagaalka ka dhanka Khawaarijta ah ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalkaas waxay qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafaya 10-kun oo askari, kuwaas oo isbeddel cusub dhaliyay, neecowda iyo nabadda ay dugsinayaan shacabka Soomaaliyeedna maanta Alle ka sokow igu sabab u ah.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay ujeedka qorista ciidankan cusub, diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo kaalinta saaxiibada caalamka iyo Dowladaha deriska ama safka hore loo yaqaano ku leeyihiin dagaalka argagixisada lagu ciribtirayo.

โ€œTan iyo markii la bilaabay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa ay dowlada Soomaaliya qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafeysa 10 kun oo askariโ€ ayuu yiri Wasiir Daaโ€™ud Aweys.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladdu mahad ballaaran u jeedineyso shacabka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bilwodeen howlgalladan sanadkii hore kaalin wax ku ool ah ka qaatay, walina hiil iyo hoo la garab taagan ciidamada xoogga Dalka oo iyagu ku dhiiraday in ay Khawaarijta awooddoodii deegaan iyo midkoodii Militari wiiqaan, wuxuuna wasiirki, si gaar ah u xusay kaalinta ciidanka mucaawisleydu ay ka geysteen guushii laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Culumada Soomaaliyeed ayuu xusay in ay horay u sheegeen sax ahaan-shaha in Dalka laga suuliyo Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray kaalinta taageerada beesha caalamka iyo doorka ay dalalka deriska ama safka hore ku leeyihiin dagaalka Dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo wejiga labaad ee dagaalka qeyb ay ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

” Waxaa dagaalka argagixisada naga taageeraya saaxiibada caalamka iyo dalalka deriska ah, si gaar ah haddaan u xusno wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waa iyaguna kaalin ka geysanaya dalalka deriska ama safka hore la yiraahdo sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti,” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dowladdiisu mudnaanta koowaad siineysa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta oo Shacabka Soomaaliyeed u diiday nabadda iyo horumarka adduunka intiisa kale ka socda, waxaana hadda muuqata inuu gabalkooda sii dhacayo Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Muqdisho-(SONNA)-Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Talyaaniga

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Odaw Yusuf Rage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General…

GudahaWararka
May 30, 2025

Taliska Booliska oo ka shiray tayada iyo adeegyada uu bixiyo Isbitaalka Madiina

Muqdisho (SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa guddoomiyey shir ka dhacay Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee…

GudahaWararka
January 19, 2023

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Madaxda Hay’adda Sos Children’s

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ay hogaaminaysay Agaasimaha Gobolka…

GudahaWararka
May 27, 2024

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XfS oo heshiis la saxiixday Heyโ€™adda IFC oo xubin ka ah World Bank Group.

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha XfS, ayaa maanta la saxiixday laba heshiis oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka…

GudahaWararka
November 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023