Muqdisho,(SONNA):-Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Hey’adda Iftin ay shaqo wanaagsan ka qabatay arrimaha Waxbarashada dalka,“Markii ay wasaaradda waxbarashada ay go’aanka soo gaartay oo ay sheegtay in ay qaadaneyso macallimiin,ayaa waxaa wax la iska waydiiyay oo laga shiray macallimiinta la qaadanayo shahaado nuuce ah ayaa laga rabaa,waxaase ogaanay in aysan jiri cid wax ka barta Kuliyada Waxbarashada oo aysan dadku jaclayn,
wasiir Faarax Sheekh Cabduqaaldir ayaa waxaa u go’aansaday in qofkii watah Shahaado Jaamacada oo macallin noqon kara la galiyo Imtaxaanka waana lagu dhawaaqay inay ka soo qayb galaan,waxaana soo codsatay 13-kun oo qof oo isugu jira kuliyadaha kala duwaan ee waxbarashada lagu barto oo ay u ku jireen dhakhaatir,taasna waxaa u sabab ah shaqo la’aanta jirta,waxaan helnay 5-kun oo shahaaddo oo aan sax ahayn oo ka mid ahaa shahaadooyinkii ay soo dirsadeen dadkii macallinimada soo codsaday,
taasna waxaa sababay ardayga oo kuliyada ku jira ayaa iska soo sameystay cadeyn Feeg ah oo u shahaado u ekeysiinyo, isagoo ka cabsanaya in u hadhow u waayo shaqo marka u dhameysto waxbarashada,marka waxaan u ogolaanay 8-kun oo ka mid ah dadkii soo codsaday in ay galaan Imtaxaanka,iyadoo ay sidaa jirto waxaa ku soo baxay Imtaxaanka 3-kun oo macalilimiin ah waxayna u badanaayeen dhakhaatir,hada ayaa tababar socda waxaana loo tababaray macallinimo oo waxay u badan yihiin dad aan qabin tababar ama aan soo marin macallinimo,iyadoo dib loo dhigsy sanad dugsiyeedka sanadkaan oo la furidoono bisha Sabteenbar si ay marka u tababarka u dhamaado ay u galaan fasalada,waxaan xoojin doona in dadku ay bartaan kuliyada waxbarashada”.waxaa sidaas yiri agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Horaantii Sanadkan ayey ahayd markii ay XFS ay qaadtay macallimiin gaareysa 3000 oo si toos ah u hoostagaya Wasaaradda iyadoo u madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in la gaarsiinayo ilaa 10-kun oo macallin qaadashada barayaasha dugsiyada.