Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dekadda Muqdisho iyo Berbara oo loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sanadkii 2024
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 2, 2023
6 Min Read
Share

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada, isagoo ka dhegeystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Al-Shabab

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson. Waxaana uu Madaxweynaha kulankaasi ku soo bandhigay talaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Khawaarijta Al Shabab.

3-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tegay Xerada Tababarka Ciidanka ee Turki-Som, oo lagu tababaro qeybo kala duwan oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo madaxweynaha Kenya William Ruto kala hadlay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaariijta, kadib kulan ka dhacay magaalada Daressalam ee dalka Tanzania.

6-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Ergeyga Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ee Geeska Afrika Mohamed Abdi Affey.

7-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Daressalam kula kulmay  Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

8-Xildhibaanada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023-ka.

9-Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada oo looga hadley xaaladda amniga dalka, isla markaana lagu meel mariyay ilaa iyo 5 hindise sharciyeed.

10-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Ruushka Timur Igorevich Maksimov oo kala saxiixday heshiis ay Russia kaga cafisay Soomaaliya deyn gaareysa 684 milyan oo dollar.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Talyaaniga ayaa magaalada Rome ku kala saxiixday heshiis iskaashi iyo taageero la siinayo Soomaaliya.

12-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay $75 million oo dollar oo Bankiga Adduunka meel mariyey si loogu kabo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya, loona dhiirigeliyo dadaalada kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda.

13-Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa Baarlamanka Federaalka  uga warbixiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiiskan.

14-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa saxiixay Siyaasadda Qaran ee Hubinta Da’da Carruurta.

15-Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa inta u dhexeysa Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud ka fuliyay hawlgal milateri oo lagu baacsanayo Khawaarijta, waxaana halkaasi lagu dilay in ka badan 100 ka mid ah Khawaarijta, laguna burburiyay gaadiid iyo qalab kale oo cadowga uu lahaa.

16-Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo bilaabay ka doodista heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka.

17-Dhegeysiga dacwadaha musuqmaasuqa ee loo haysto hawlwadeeno ka tirsan dowladda oo weli ka socda Maxkamada Gobolka Banaadir.

18-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) oo ka qeybgaley shaacinta natiijada imtixaanka Fasalka 8aad ee sannadka 2022/2023.

19-Wasiirka Amniga Soomaaliya Dr Maxamed Sheekh Cali oo hortagay Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

20-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer shaqo ku tagay xerooyinka General Daaud iyo General Dhegabadan oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

21-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa daah furay munaasabadda xuska Toddobaadka Naas-Nuujinta Adduunka.

22-Taliyeyaasha ugu sarreeya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan looga hadlay qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha September ee soo socota.

23-Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in burburinta dhisma diblomaasiyadeed oo ku yaalla Muqdisho ay ka dhalatey codsi ka yimid Dowladda Talyaaniga oo dhulkaasi mulkiyad sharci ah u leh.

24-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa hawlgal ka fuliyay Ceel Dhuun oo ka tirsan degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab.

25-Wasiirka Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir oo kulan la yeeshay Ergeyga Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) Maxamed Cabdi Afey.

26-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa  kaluumeysato ajnabi ah ku xukuntey midkiiba lacag dhan $12000 oo dollar, isla markaana lala wareegi doono doomihii ay ku kaluumeysanayeen.

27-Kulanka seddax biloodlaha ah ee isku duwidda howlaha caafimaadka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,waxana looga hadlayaa horumarinta caafimaadka dalka.

28-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargelinta amniga caasimadda.

29-Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim  ayaa xaqiijiyey in 14 sarkaal loo xiray baaritaanka qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

30-Dowladda Soomaaliya oo dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada Laas Caanood.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dekadda Muqdisho iyo Berbara oo loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sanadkii 2024

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku faraxsantahay inay ku…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo soo saartay qoraal ay ku hagayso hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Dalka

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Warfaafinta jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku hagayso hay'adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya kana, shaqeeya…

Wararka
November 15, 2019

Golaha wasiiradda oo ansixiyey 9-ka Murrashax ee Guddiga Xuquuqul Insaanka

Muqdisho(SONNA):- Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan…

GudahaWararka
July 3, 2025

Wasiir ku-xigeenka Beeraha XFS oo ka qeyb gashay shir muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahra Yuusuf Ige, ayaa si rasmi ah uga qeybgashay…

GudahaWararka
May 24, 2025

Kooxda Elman oo markii ugu horeysay u laabatay horyaalka heerka labaad.

Muqdisho…SONNA…Kooxda kubadda Cagta Elman oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ayaa maanta ka hartay horyaalka koowaad ee…

CiyaarahaGudaha
July 21, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023