Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 31, 2023
6 Min Read
Share

Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii waxay aheyd  xiligii  Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho iyo Deegaannadii ay maamuli jireen, iyagoo si kasta u boobay, sidoo kalena waxaa jira in ay ku milmeen hey’ado muhiim u ah Dowladda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay joojinta dhaqaalaha baada ahaa ee ay helayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, lana yareeyay weeraradii ay ka gaysan jireen caasimadda Muqdisho, sidoo kalena hey’adaha dowladda ayaa laga dhex saaray shaqsiyaad gacan saar la lahaa cadowga, hadana wali shaqo badan ayaa u taala dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalka amni daro ee Caasimadda, waxayana Dowladdu u sameysay Sharciyo lagula dagaalamayo Argagixisada, kuwaasi oo wax weyn ka taray dabargoyntooda.

Laakiin tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka (NISA) ay shaqadaansi toos ah u  bilowday waxaa jira saraakiil soo shaqeeyay shantii sano ee ugu dambeysay oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta Dowladda ku dhacaan, lagana jaaseeyo wixii ay ummadda ka galeen ama ku dhibaateeyeen, qaarkood waxay ka mid ahaayeen Dadkii u fududeyn jiray in la soo galiyo Magaalada Muqdisho Qaraxyada ay ku waxyeeloobeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

Kala firxadkooda ayaa waxaa ka dhalatay in Magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan Shucuubta ku dhaqan Magaalada, Raiisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa yiri, “In galabta aan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda”. Hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu uga qeybgalay Degmada Heliwaa kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hey’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqeynta hey’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabadgalyo ah lagu tagi karo, taasina ay qeyb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hey’ada amniga.

“Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

“Waxaa intaa sii dheer oo ay heleen shantaasi sano in ay Khawaarjtu gasho kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan. Shacabkayagoow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu sidey maanta tahay ma ahaateen. Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta. Halgankaan wuu soconayaa idanka Ilaahey Guushana Shacabkaa leh”, ayuu sii raaciyay Wasiirku hadalkiisa.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xooggan oo Dowladdu ka waddo Degmada Guricel ee Gobolka Galguduud, iyadoo lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee looga sifeynayo Kooxda Argagixisada la qorsheeyay looga saarayo degaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo uu maalmaha foodda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan, waxaana Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada faro ku tiriska ah ay ka joogaan Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwaasi oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garobaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug, wararka ayaa sheegay in sidoo kale la abaabulaayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka Dhuusa mareeb ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga 1-aad ee dagaalka, halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro dhawaan farsiinna ka dhigto magaalada Dhuusa mareeb, kana hagi doona Howlgalada, halka Magaalada Aadan Yabaal ay noqon doonto fariisinka 1-aad, waxaana la qorsheeyay inuu Madaxweynaha uu muddo 2-bilood ku negaan doono degmooyinkaasi, si loo soo dhameystiro Duulaankaasi, si loogu soo jeesto Wejiga 2-aad oo isagana ka bilaaban doono Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku si ula dagaalanto qolooyinka Qaaqlayaasha ah iyo Khawaarijta Al-shabaab, waayo waa isku Af, mar-marna waxaa la dhihi karaa waxayba u yihiin afhayeenno, oo waxay ka hadlaan waxay ay bi’iyeen ayay ku faanaan Jabka Khawaarijtana aad bay uga qeyliyaan, ama uga naxaan, marka waxaan oran karnaa Qaaqlayaasha iyo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab waxay noqdeen kuwo isku Af ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah layeeshay ku-xigeenka Xoghayaha…

GudahaWararka
February 3, 2022

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray bandhiga carwada Warshadaha Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed…

GudahaWararka
March 1, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo u yeeray inay shaqada ku soo laabtaan saddex Jeneraal

Muqdisho-(SONNA)-Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu yeeray in shaqada ciidanka ay ku soo laabtaan 3 Jeneraal oo uu horay…

GudahaWararka
November 4, 2020

Jabhadda Xoraynta Oromada oo ka hor timid damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya

Addis Ababa-(SONNA)-Jabhadda Xoraynta Oromada ee dalka Itoobiya OLF ayaa si weyn kaga hor tamid ficilka foosha xun ee Abiy Axmed…

GudahaWararka
January 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023