Adis Ababa,(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Dawladda Angola ee dalka Ethiopia Amb. Prof Migvel Cesar Domingos kulankaas oo ka dhacay Addis Ababa.
Labada danjire ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo in la abuuro jawi ganacsi oo baaxad weyn, maadaama Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Angola ay dalkaas ku leeyihiin ganacsi xoog leh oo horumar kusoo kordhiyay dalkaasi Angola.
Sidoo kale waxay isku afgarteen in la joogteeyo kulamada iyo shirarka safaaradaha labada dal ay ku leeyihiin Addis Ababa, si loo suurta geliyo fulinta arrimaha ay ka wada hadleen labada danjire.