MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah u magacaabay xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD.
Xubnaha la magacaabay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD ayaa kala ah:
- Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh
- Xil. Maxamuud Axmed Aadan
- Xil. Maryam Aweys Jaamac
- Xil. Maxamed Cusmaan Cumar
- Sen. Sareedo Maxamed Xasan