Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar shaqo ku jooga Caasimadda dowladda Qatar ee DOHA ayaa maanta soo booqday Kulliyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Qatar.
Booqashooyinka wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kulliyadda iyo machadka ayaa daaran sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee wasaaradaha gaashaandhigga labada dal.