Jabuuri,(SONNA):- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Ilyas M. Dawaleh.
Labada wasiir, ayaa isweydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasoo ugu danbeyntii horseedi kara xal kama dambeys ah, sidoo kale, waxay kale, waxay ka wada hadleenย xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.
Wasiir Beenebeene, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Dalka Jabuuti, Mudane Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta milgaha iyo sharafta leh ee uu u fidiyay asiga iyo wafdigiisa.